Vidya Balan waxay kamid tahay atiriishooyinka ugu qaab jiliinka wanaagsan Bollywoodka taariikh ahaan waxayna ku guuleysataya 4 jeer abaal marinta Filimfare qeybta atiriishada ugu wanaagsan oo bandhigeeda wacan shaashada lagu siiyay.

Inkastoo awood aysan ku leheen dhanka Box-office-ka iyo awooda lagu iibiyo Filim hadana saas eetahay waxay ku joogtaa shirkadan waa qaab jiliinkeeda oo wanaagsan dadkana kaga yaabiso bandhigyadeeda taariikhda galaan.

Aflaamteeda ugu caansan waxaa kamid ah Hamari Adhuri Kahani, Kahani, Dirty Picture iyo kuwa kale hadaba waxaan soo ogaanay dabeecadaha gaar ah xidigtaan iyo hab dhaqankeeda cajiibka ah.

Vidya waxay aad u jeceshahay xirashada saariga labis ahaan armaajada ama qaanadeeda labiska dhamaan waa wada Saari oo waxkale maba xirato waxaa la sheegay xitaa markee seexaneyso inee saari ku seexato.

Saariga waa labiska gabdhaha hinduuga ah xirtaan noocyo kala duwan ayuu leeyahay kuwa arooska, kuwa gabdhaha aan la guursan loogu tallo galay, kuwa xaasaska leeyihiin iyo noocyo kale.

Vidya nooca ay isticmaasho waa kuwa xaasaska xirtaan maadama nolosha dhabta ah ay xaas tahay iyada xitaa Filimadeeda inta badan labiska waa Saari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here