Superstar Vijay xili dahabi ah ayuu bartanka kaga jiraa waxaana haatan tiyaatarada u saaran filimka Bigil ee Blockbuster-ka weyn noqday kuna socdo darajada 300 Crore ganacsi ahaan inuu gaaro ama ka talaabo sidaas oo ay tahay xidigan guusha filimkiisa kuma raaxeesanayo madaama uu haatan ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa 64-aad.

Waxaa haatan shaaca laga qaaday Vijay filimkiisa 64-aad in la daawan doono 9 April 2020 waxaana Director ka ah Lokesh Kanagaraj waana filim sameeyihii sameeyay mashruuca tiyaatarada saaran ee isagana Blockbuster-ka noqday Kaithi oo hogaamiye ka ahaa Karthi markaana Vijay ayuu la shaqeenayaa.

Vijay ayaa sheegay in filimkiisa 64-aad ku faraxsan yahay Lokesh Kanagaraj inuu agaasimo wuxuuna sheegay in wax walbo filim sameeyahan u dhaafi doono oo uusan talo ku darsan doonin qaabka sheekada filimkiisa loo dhigaayo madaama Vijay uu la cajabay sida uu Director Lokesh Kanagaraj u agaasimay filimka Kaithi.

Filimkan aan weli magaca loo bixinin waxaa loogu yeeraa Vijay filimkiisa 64-aad waxaana laadar ka ah xidiga awooda badan Vijay Sethupathi sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh jilaayaasha kala ah Antony Varghese, Shanthanu Bhagyaraj iyo Malavika Mohanan weliba jadwalkii kowaad ee filimkan dhawaan ayaa lasoo idleeyay ayadoo jadwalkiisa labaad magaalada Delhi laga amba qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here