Superstar Vijay iyo Director Atlee wey soo laabteen waxayna Jimcadan qabsan doonaan Koonfur Hindiya madaama filimkooda Bigil hadal waali ah xambaarsan yahay waxaana lagu soo beegay daawashadiisa feestada Diwali sidoo kalena waxaa la xasuustaa in labadan shaqsi horey nooga yaabsadeen labadii filim Big Hits-ka noqdeen Theri iyo Mersal kuwaas oo fariintoodii aad loo amaanay.

Haddaba waxaan idiin heynaa xog ku aadan filimka Bigil lacagaha kooxda iska leh ka heleen, suuq walbo kooxda cajaladaha qeybiyaan lacagaha ay ku iibsadeen, sida uu HIT ama Flop ku noqon karo ayadoo mashruuc Koonfur Hindiya tiyaatarada ugu badan la saari doono:

Lacagaha lacagaha lagu qarash gareeyay: 180 Crore = 120 Crore qarashka tooska ah + 20 Crore xayeysiin loogu sameeyay.

Xuquuqda Satellite-ka & Digital-ka: 52 Crore (Sun TV & Prime VideoIN)

Xuquuqda Af Hindiga Satellite-ka: 27 Crore

Xuquuqda Musiigada: 3 Crore

Lacagta Laga Helay xuquuqaha Satellite+Digital+Af Hindi+Music = 82 Crore

Xuquuqda Qeybinta Cajaladaha Gobol Walbo Lacagaha Lagu Iibsaday:

Tamil Nadu waxaa lagu iibsaday – 85 Crore

Gobolada Kerala & Karnataka waxa lagu iibsaday – 16 Crore

Gobolka Telugu AP/Nizam waxaa lagu iibsaday – 9 Crore

Suuqyada caalamka waxaa lagu iibsaday – 28 Crore

Wadarta Guud Kooxda Cajaladaha Qeybiyaan Waxay Ku Iibsadeen – 140 Crore

Daqliga Filimka Bigil Laga Helay Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin:

140 Crore (xuquuqda qeybinta cajaladaha) + 82 Crore (Xuquuqaha Satellite, Digital & Music) = 222 Crore (Daqli ah)

Faa’iidada Kooxda Bigil Iska Leh Ka Heleen Ka Hor Inta Aan Tiyaatarka La Saarin:

222 Crore (Daqli guud) – 180 Crore (Qarash guud) = 42 Crore ($5.91m Faa’iido ah)

Sidaa darteed filimka Bigil culees xoogan ayaa saaran waxaana laga rabaa saami ahaan 140 Crore dib inuu usoo celiyo oo ka dhigan marka uu 250 Crore soo xareeyo ganacsigiisa dib & dal inuu HIT noqon doono. Nasiib wacan ayaan leenahay Superstar Vijay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here