Nolosha waxaa jiraan waqtiyo qofka uusan ogaan karin go’aanka uu qaadanaayo halista uu leeyahay isagoon ka fikirina si deg deg ah go’aan u qaadanaayo gadaal dambena ka qoomameynaayo.

Saif Ali Khan taariikh aan la ilaawi karin ayaa kudhacday maadama uu noqday atoore lala jeclaaday oo loo bandhigay Filimka weyn ee Dilwale Dulhania Le Jayenge xiligaasna SRK xisaabta kuma jirin laakiin Saif si fudud ayuu ku diiday Filimkaas waana ognahay SRK taariikhda uu Filimkaan kudhigay iyo maqaamka uu ku gaaray.

Si lamid ah Superstar Kama Haasan waxuu sameeyay Filim magaciisa ladhaho Indian oo kamid ah aflaamta India sameyeen kuwooda ugu waaweyn inaba caadi ma ahan sida Filimkaan Classic u noqday nasiibka ayaa albaabka atooraha Vijay Sethupathi soo garaacay xili loo bandhigay qeybta labaad ee Filimkaan inuu sameeyo.

Indian 2: Did Vijay Sethupathi say no to a role in the Kamal Haasan starrer?

Balse Vijay si fudud ayuu asna u fasaxay mashruucan weyn xili uu ka qeyb galaayeu xaflada dhalasho ee Kamal Haasan ayuu dadka hortooda ka sheegau sababo gaar ah aawged inuusan sameyn karin Indian 2 waana lala yaabay go’aanka deg dega ah ee jilaagan qaatay.

Dhanka shaqada warar xan ah ayaa sheegayaan in Vijay door caawin ah ku leeyahay Filimka Laal Singh Chaddha ee Aamir Khan hogaamiyaha ka yahay waxuuna Filimka kujilaa Aamir saaxiibkiis waxaana la sheegay inuu yahay Filimkiisa kowaad ee Bollywood lamana oga warkaan xaqiiqdiisa iyo hadii Vijay filimkaan kasoo muuqan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here