Superstar Vijay wuxuu ku jiraa xiligiisii ugu wacnaa awood ahaana looma dhawaan karo haddaba Superstar-kan reer Tamil filimkiisa tiyaatarada saaran Bigil mudo labo maalmood ayuu darajada 100 Crore ku gaaray ganacsigiisa dibad iyo dal.

Bigil oo wacdrao aan caadi ahayn dhigaayo wuxuu noqday filimka 8-aad ee 100 Crore gaaro ama ka talaabo ee Vijay hogaamiye ka yahay mana jiro atoore kale oo Koonfur Hindiya ah uu darajadan la sheegan karo ama tiro aflaan intaan la eg 100 Crore iyo ka badan ganacsi ahaan sameeyeen.

Sidoo kale Vijay haatan wuxuu maraa inuu sameeyay 7-filim oo isku xigaan kuwaas oo darajada 100 Crore ka talaabeen ganacsigooda dibad iyo dal marka la isku daro waana awood kale oo Superstar-kan u gaar ah kaasi oo ka hawl galo shirkada Kollywood ee xarunteeda tahay Tamil Nadu.

Fadlan hoos kaga bogo 8-filim ee Superstar Vijay darajada 100 Crore iyo ka badan u gaareen weliba 7-filim oo ka mid ah waa kuwo xariir ah oo darajadan gaaristooda ka dhex galay filim ka gaabiyo hanaanka 100 Crore ganacsiga dibad iyo dal la isku daray:

1) Thuppaki (2012) – 125 Crore

2) Kathi (2014) – 125 Crore

3) Puli (2015) – 101.90 Crore

4) Theri (2016) – 144 Crore

5) Bairavaa (2017) – 114 Crore

6) Mersal (2017) – 245 Crore

7) Sarkar (2018) – 243 Crore

8) Bigil – 100.85 Crs (2 maalmood)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here