Virat Iyo Xaaskisa Anushka Oo Airpot-ga Hab Isku Siinayaan Mumbai Ayee Kusoo Noqdeen (+Sawiro)

Waxaa sawiro laga soo qabtay fiidkan lamaanaha caanka ah Virat Kohli iyo Anushka Sharma xili ay kasoo degenaayen Airport-ga Mumbai dibna ugu soo noqdeen magaalka mudo dheer kadib.

Lamaanahan ayaa Delhi ka yimadeen halkaas oo uu Virat kulan ciyaarta Cricket-ka kulahaa halka Anushka goobta u joogtay inee ku xayeysiiso filmkeeda Sui Dhaaga.

Lamaanahan waxay si rasmi ah u aqal galeen December 2017 iyagoo in mudo ah xiriir wada lahaa markii horena qarin jireen inkastoo markii dambe la ogaaday.

Anushka iyo Virat ayaa farxad kusoo galeen magaalka fiidkan xili ay eelaboorka jaceyl ku jileen waxaa la arkay iyagoo hab isku siinyaan eela boorka dhexdiisa jaceylka ku muujinayaan goobta.

Sawir qaadayaasha ayaa si wanaagsan sawiro oga soo qabteen saxaafada qaarkod ayaa doonayeen inee goobta wareysi kula yeeshtaan oo makrafoono ayee la daba socdeen balse lamaanahan wey deg degsanaayeen.

Dhanka shaqada Anushka 28 bishaan September waxaa tiyaatarada loo saari doona Sui Dhaaga oo uu la hogaaminaayo Varun Dhawan, halkaan hoose ka daawo sawirada lamaanahan laga soo qabtay caawa..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*