Lamaanaha caanka ah ee gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka saameynta ku leh Virat Kohli iyo Anushka Sharma ayaa guurkooda qal qal xoogan la galiyay kadib markii baraha bulshada lasoo dhigay sheeko ku aadan inay kala tageen ama is fureen waana arin siweyn loo hadal haayo.

Virat Kohli oo cayaarta Cricket-ka maqaam sare ka gaaray wuxuu guursaday sanadii 2017 lamaantiisa Anushka Sharma oo atirisho Bollywood-ka ka tirsan kadib markii sanado kala duwan xiriir jaceyl ka dhaxeeyay.

Balse baraha bulshada Hindiya waxaa ka bilaabatay fariin qof walbo qofka kale gaarsiiyay oo ku aadan in Virat iyo Anushka kala tageen wuxuuna qoraalkan noqday mid qof walbo faafiyo ilaa lamaanahan xitaa fariintaan gaarto oo ay la yaabeen waxa sababay sheekadan aan xaqiiqada ku saleesneyn in laga faafiyo.

Dabagal iyo baaritaan badan kadib waxaa la ogaaday qofkii ugu horeeyay qoraalkan baraha bulshada soo dhigay inuu soo xigtay sheeko ahayd sanadii 2016 oo ku aadaneed in markaas Virat iyo Anushka kala gaabsadeen si qof walbo howlihiisa shaqo diirada saaro sheekadaas ayaa la badalay waxaana laga dhigay wax hadda dhacay oo ah in lamaanahan kala tageen!

Virat iyo Anushka maba aysan ka hadlin sheekadan waxayna haatan waqti ku wada qaadanayaan gurigooda Mumbai ku yaalo madaama weli si dhameestiran xiliga karantiilka ama bandowga soo idlaanin. Dhinaca shaqada Anushka Sharma dhawaanahan filim jilista wey ka gaabsatay filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Zero oo ay la sameesay SRK iyo Katrina Kaif welina wax mashruuc cusub ah xidigtan ma aysan saxiixanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here