Kabtanka ciyaarta Cricket-ka dalka India Virat Kohli ahna Anushka Sharma seygeeda ayaa si awood ku dheehan ku hogaaminaayo liiska 100-ka qof ugu daqliga badan caalamka waxuuna hogaanka u hayaa shaqsiyaadka hindiya kasoo jeedaan.

3-sano u dambeyeen shaqsiyaadka India kasoo jeedaan ee liiskan kasoo muuqanayeen waxaa hogaaminaayey Salman Khan balse Sallu sanadkaan 2019 kaalinta 3-aad ayaa laga riday waxaana kaalinta kowaad soo galay Virat Kohli oo shaqeestay 252 Crore daqli ah.

Shabakada Forbes ayaa ku dhawaaqday liiskeeda sanadlaha ah ee 100-ka qof daqliga ugu badan kasbadaan sanadkii waxuuna ku xeen daaban yahay October 2018 ilaa September 2019 dhanka hindiya shaqsiyaadka kasoo jeedana Virat Kohli ayaa hogaaminaayo.

Akshay Kumar ayaa kaalinta labaad soo fariistay dadaal dheer ayuuna sameeyay sanadkaan maadama 3 filim uu la yimid midkiisa afaraadna dhamaadka bishaan la daawan doono daqliga uu shaqeestay mudo sanad ah waa 293 Crore isayoo 58% sare usoo kacay marka lala bar bardhigo sanadkii hore.

Virat Kohli replaces Salman Khan in Forbes Celebrity 100 list

Salman Khan ayaa kaalinta 3-aad laga riday sanadkaan waxuuna shaqeestay mudo sanad ah daqli dhan 229 Crore sido kale Shah Rukh Khan ayaa kasoo muuqday 10-ka ugu horeyaan shaqsiyaadka hindiya kasoo jeedaan ee daqliga ugu badan kasbadeen misane kamid noqdeen 100ka qof ee Forbes.

SRK hal filim ayuu la yimid 2018 waana Zero oo ka guul dareestay balse jilaagan meel uu daqli kasoo galo ma waayo oo xayeysiimaha uu sameeyo ee uu lacagaha waalida ku qaato ayaaba ka xisaabin karin waxuuna mudo sanad ah ku shaqeestay 124 Crore.

Alia Bhatt ayaa kaalinta 8-aad kasoo gashay 10-ka reer hindiya halka Deepika Padukone 9-aad kasoo gashay 10-kaas daqliga ugu badan kasbadeen sido kale liiska 100 qof waxaa kaloo sanadkaan kujiraan 13 jilaa oo koonfur India kasoo jeedaan.

Dhanka kale Forbes waxay wax ku cabirtaa haduu qofka jilaa yahay daqliga Filimada kasoo galaan, daqliga xayeysiimaha, daqliga Internetka uu ka helo jilaaga sida Post-yada xayeysiimaha u saaran oo Link-ga ah kuwaaso lacago badan jilaaga ka kasban karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here