Xidiga reer Tamil ama Kollywood Vishal ayaa laga soo xigtay filimkiisa Action-ka ah ee la wada sugaayo Chakra in tiyaatarada la saari doono madaama haatan xaalada soo hagaageyso sidoo kalena tiyaatarada Koonfur Hindiya dib loo furay kadib markii mudo 8-bilood ka badan ay xirnaayeen saameynta karoonaha dartiis.

Marka hore Vishal iyo kooxdiisa filimka Chakra waxay shaaca ka qaadeen in mashruucan si Online ahaan loo daawan doono balse hadda go’aankaas wey ka laabteen waxaana la sheegay bisha December ee nagu soo fool leh in filimkan tiyaatarada Tamil Nadu la saari doono waxayna u badan tahay 18 ama 25 December in la saari doono marka lagu guda jiro feestada ciida Christmas-ka.

Filimka Chakra waxaa Director ka ah MS Anandan waxaana Vishal kula jiraan mashruucan Action-ka ah labada atirisho ee lagu kala magacaabo Shraddha Srinath iyo Regina Cassandra, waana shaqadiisa ama duubistiisa mar hore soo idlaatay oo la doonayo in tiyaatarada Tamil Nadu wacdaro ka dhigo dabyaaqada sanadkan madaama reer Tamil u xiiseen atoorayaasha waa weyn aflaantooda inay masraxa ka daawadaan.

Filimka Chakra horey ayaa looga soo bandhigay goos goos heer sare ah oo laga wada helay, sidoo kalena dabyaaqada bishan ama todobaadka dambe waxaa la qorsheenaa in goos goos kale laga soo bandhigo. Balse nala daawo goos gooskii hore looga soo bandhigay mashrucan haddii aadan horey u arkin waa hubaal inaa bandhiga Vishal ka heli doontid:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here