Labada xidig ee fanka Tamil ama Kollywood aad looga jecel yahay Vishal iyo Vijay Sethupathi mid walbo wuu diiday inuu filimkiisa dib u dhigo sidaa darteed Jimcadan ama 15-ka November ayay masraxa dhul weynaha Tamil Nadu isku heli doonaan waana arin kale oo siweyn Koonfur Hindiya looga hadal haayo.

Vishal wuxuu wataa filimka Action oo ay Tammanah Bhatia la jileyso waana filim uu sirdoon caalami ah ku matalaayo kaasi oo qaar ka mid ah magaalooyinka ugu caansan Yurub lagu duubay waxaana Director ka ah Sundar C sidoo kalena Aishwarya Lekshmi iyo Yogi Babu ayaa doorar muhiim ah ku leh.

Dhinaca kale Vijay Sethupathi isagana jimcadan waxaa u diyaarsan filimka lagu magacaabo Sanga Thamizhan waana filim Action iyo mada daalo dhameestiran leh waxaana ku jiraan labada atirisho ee kala ah Nivetha Pethuraj and Raashi Khanna halka Soori iyo Naseer doorar muhiim ah ku leeyihiin waxaana filimkan Director ka ah Vijay Chandar.

Fadlan hoos ka daawo goos goosyada filimada Action iyo Sanga Tamizhan ee jimacadan isku dhici doonaan waxaana hogaamiyaal ka kala ah Vishal iyo Vijay Sethupathi oo isku dhacooda siweyn loo hadal haayo.

Goos gooska filimka Action:

Goos gooska filimka Sanga Tamizhan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here