Jilaayaasha is dhalay ee Amitabh Bachchan iyo wiilkiisa Abhishekh Bachchan ayaa horraan laga helay xanuunka dunida ragaadiyay ee coronavirus, si la mid ahaa waxaa shalay cudurka COVID-19 laga helaya atariishada Aishwarya Rai Bachchan oo u dhaxda Abhishek iyo gabadheeda Aaradhya, sida uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay jilaaga uu dhalay Amitabh.

“Aishwarya iyo Aaradhya iyagana waa laga helay COVID-19. Guriga aye karaantiil ku galayaan. Kooxda BMC-da ayaa xaalad walba so gudbinaya, iyagoo sameynaya wixii loo baahnaa. Qoyska intiisa kale waa laga waayay, xitaa hooyadey. Waad ku mahadsan tihiin ducadiina iyo la jiritaankiinna” ayuu soo qoray Abhi.

Shaqsiyaad caan ah oo ka tirsan shirkadda Bollywood-ka ayaa sidoo kale baraha bulshada kusoo bandhigayay qoraallo ay ku taageerayaan qoyska reer Bachchan iyagoo u rajeynaya inay si dhaqso ah leh uga soo kabtaan xanuunka aafeeyay afarta qof ee qoyskan ka tirsan.

Jilaaga caanka ah ee Vivek Oberoi ayaa Aishwarya Rai Bachchan iyo qoyskeeda u rajeeyay inay durba kasoo kacaan xanuunkan, waxaana uu soo xarriiqay qoraal uu kula hadlayay atariishada iyo gabadheeda. “Waxaan idin kugu duceyneynaa caafimaad iyo soo kabsasho deg deg ah.” Ayuu yiri Vivek. Waxaa sidoo kale barta Twitter-ka qoyskan ku taageeray Atariishada lagu magacaabo Juhi Chawla, waxayna tiri: “Amitabh Bachchan, Abhishek, Ayurveda durba caafimaada”.

Qoraalkan uu Vivek soo qoray markii la xaqiijiyay in Aishwarya iyo gabadheeda laga helay coronavirus waxaa ka horreeyay qoraal kale oo uu soo dhigay markii Amitabh iyo Abhishek uu soo ritay cudurkan. Si kastaba ha ahaatee, qoyska reer Bachchan ayaa la tacaalaya xaalad caafimaad, inkastoo labada jilaa ee is dhalay ay xaqiijiyeen in caafimaadkooda uusan darneyn oo uu wanaagsan yahay.

Waxaa qoray Axmed Nuur Cabdi Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here