Kiiskan ugaarta deerta ah waa mid soo jireen ah oo aan wali dhamaad laheen waxuuna socdaa mudo 20 sano isagoo soo bilawday sanadkii 1998 xili la duubayey filmka Hum Saathi Saathi Hain.

Waxaa la isku heystaa in Salman Khan toogasho ku dilay ugaarta nooca deerta loo yaqaan ee dunida kasii dhamaaneysa waqtigaan dadka hinduda qaarna ay caabuudaan ugaartaas diin ahaan ugu xiranyihiin.

Hadaba aktarka Salmam Khan ayaa maalintii shalay ah oo taariikhda ku beeganayd 27 September u gooyay inuu soo xaadiro maxakamada magaalada Jodhpur si loo dhagaysto kiiskiisa

waxaana maqnaansha aktarkan ka shaqeeyay Salman Khan wakiilkiisa kaaso maxkamada u gudbiyay labo warqadood uu ku codsanaaayo in dib loo dhigo dhagaysiga kiisam xaalado nabad-gelyo awgeeda waxaana hadda laga dhigay 19 bisha December ka dib markii ay soo baxayn hanjabaadyo loo jeedinaayo aktarkan

waxaana taariikhda marka ay ahayd 25 bishan soo baxay hanjaab dil ah oo ku socota Salman Khan ka dib markii barta Facebooga lasoo dhigay qoraal ku imaaday ururka Bishnoi community kuwaaso sheegayn inay aktarkan dili doonan maadaama maxkamada dalka india aysan waxba ka qaadi karin

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here