Waa 55 jir rug cadaa ah haatana waxaa lagu soo waramayaa in gabar uu 30 sano kaweynyahay uur u leedahay.

0
886

Jilaaga Turkiga misna rug cadaaga ah ee Oktay Keynarca kaasoona ah hogaamiyaha taxanaha weyn ee Eşkıya Dünyaya Hükümdar Olmaz ayaa lagu soo waramayaa in gabar uu 30 sano kaweynyahay misna xiriir la leeyahay ay uur u leedahay.

Jilaagaan oo kamid ah jilayaasha ugu waaweyn Turkey ayaa wuxuu xiriir kala dhaxeeyaa gabadha lagu magacaabo Deniz Cakir oo 25 jir ah halka asigana yahay 55 jir wuxuuna kaweynyahay da’ahaan 30 sano.

Sida ay saxaafada Turkey qorayaan Deniz Cakir ayaa leh uur 2 bilood ah, arintaan ayaana keentay in saxaafada aad u hadal heyso maadaama farqiga da’da u dhaxeyso uu aad u badanyahay.

Ilaa iyo haatan Oktay Keynarca kama uusan hadlin arinkaan hadii ay xaqiiqo tahay ama been tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here