Atariishada halyeeyga ah Neena Gupta waxay qeyb ka tahay filim jilista in ka badan afartan sano. Filimkeedii ugu horreeyay Adharshila ayaa soo baxay 1982, Abaalmarinta Qaranka ayaa la gudoonsiyay sanadki 1994 wexeena ku qaadatay filinka “Woh Chokri”.

2017 ayee shaacisay inay ka baxday filim jilista, balse muddo ka dib ayee qof walba ka yaabisay markee dib ugu soo laabatay jilista filimady, iyadoo keentay filimada kala ah Veere Di Wedding iyo Badhaai Ho.

“Badhaai Ho waa filim caadi ah. Dadku way daawan karaan 10 jeer. Waxaan dareemayaa inaan nasiib u leeyahay inaan qeyb ka noqdo filimkaas. Wax badan ayey noloshayda wax ka beddeshay. Filimku wuxuu noqday mid culus oo guulestay. Dad aad u tiro badan ayaa daawaday oo jeclaa bandhigeyga. ”, Neena ayaa u sheegay IANS.

Mar wax laga waydiiyey inay wali ka baqato in shaqada laga ceeriyo maadaama ee 60 jir tahay iyada oo qosleysa ayee tiri:

” Ficilku waa xirfad halka aad had iyo jeer ka fikirto haddii aad mustaqbalka shaqo heli doontid iyo in kale. Tani waa xirfad la yaab leh. Maanta waxaad heysataa shaqooyin badan laakiin berrito waad fadhiisan kartaa shaqo la’aan. Mararka qaar, waxaad dareemaysaa inaad Guul darreesatay. haa wali waxaa jirto cabsida ah in shaqada leega joojiyo Laakiin taa macnaheedu maahan inaan joojiyo shaqada. Waxaan aaminsanahay inaan si adag u shaqeeyo oo aan horay uga sii socdo.” ayay tiri

Filimkeeda ugu dambeeyay Neena Gupta waa Shubh Mangal Zyada Saavdhan, oo ah filim ee dad weynaha India si weyn ugu caroodeen ayadoona ku mataleysay hooyada mid ka mid kuwa kacdoonka wada oo khaniiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here