Aydan Tas waa atariisho Turkish ah waxayna horay uga soo muuqatay taxanayaa badan misna caan ah haba ugu horeeyo taxanahii weynaa ee Karadayi waana gabadha la yiraahdo Sehriyar Taskin eek u jirto taxanaha Hercai.

Image result for aydan taş hercai

Aydan Tas waxay dhalatay 1982dii waana 38 jir horay uga soo qalin jabisay labo jaamacood waxayna waxbarashada ka gaartay heer sare balse haatan jilaa taxanayaasha kasoo muuqato ayadoo taxanihii ugu dambeeyay uu yahay Hercai taasoo ayku jileyso gabar shaqaale u ah qoyska reer Sadoglu.

Aydan Tas kaliya taxanayaasha ma jisho sidoo kalana filimaan badan ayay horay uga soo muuqatay inta badana doorkeeda aad ayuu u yaryahay.

Aydan ayaa taxanaha Hercai ku mataleyso jaasuusad ay leedahay misna soo dirsatay Haandaan waxayna wararkii qasriga reer Aslan Bey ka dhaco u gidbisaa Haandaan.

Hadaba akhristow adiga kawaran shakhsiyada Shariyaar ee taxanah Hercai?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here