Waxaan wada ogeyn sanadii 2018 Superstar Ajay Devgn inuu sameeyay filimkii Raid ee HIT-ka noqday sidoo kalena aad loogu amaanay bandhigiisa cajiibka badnaa doorkii sarkaalka dabagalka canshuuraadka Hindiya, haatana mashruucan qayb labaad ayaa laga sameenayaa.

Sida soo saare Bhushan Kumar laga soo xigtay sheekada Raid 2 waa la diyaariyay waxayna shaqadiisa bilaaban doontaa marka ay Hindiya ka baxdo xaalada bandowga ah ee nolosha caadi kusoo laabato wuxuuna Ajay Devgn aqbalay doorkiisa inuu hore usii amba qaado.

Bhushan Kumar oo madax u ah shirkada T Series waxay saaxiibo dhow yihiin Ajay Devgn ayagoo isla maal galiyeen filimkii Tanhaji ee bilawgii sanadkan Blockbuster noqday haatana waxay ku heshiiyeen filimo badan mustaqbalka dhow inay isla maal galiyaan oo badankooda Ajay hogaamiye ka noqon doono.

Director Raj Kumar Gupta ayaa diyaariyay sheekada Raid 2 sidoo kalena waxaa laga soo xigtay in Ileana D’Cruz oo qaybtii kowaad Ajay marwadiisa ku jileesay sidoo kalena qaybta labaad filimkan door muhiim ah ku yeelan doonto sidoo kalena Raid 2 fariin waaqici ah oo bulshada u baahan tahay inay ogaato ayuu xambaarsanaan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here