Madadaliiyaha koowaad ee Bollywood-ka Super Star Akshay Kumar sanad walbo wuxuu diyaar u yahay inuu taageerayaashiisa qanciyo asigoo la imaado filimaan fariimo ahaan kala duwan.

Akki maalmo ka hor wuxuu kusoo muuqday 48th International Film Festival of India (IFFI) oo hadalo muhiim ah ka jeediyay sida hadalada Amitabh Bachchan ku amaanay iyo waxyaabo kale.

Haddaba Akshay ayaa shaaca ka qaaday filimka uu aadka u xiisaynaayo sidoo kalena doonaayo inuu mar kale sameeyo doorkaas xiisaha leh.

Filimka Akki uu doonaaya ama filimka uu mar kale sameeyo waa filim cabsi cabsi iyo shactiro isugu jiro ah asigoo xusay inuu doonaaya sida filimka Bhool Bhulaiyaa oo kale.

Akshay wuxuu sheegay inuu sanadii sameeyo filimo fariin ahaan kala duwan oo bulshada ku saabsan asigoo xusay inuu jacel yahay doorka iyo filim sida Bhool Bhulaiyaa oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here