.

Abaal marinta Oscar waa mid kamid ah abaal marinada ugu fiican aduunka lagu bixiyo taasoo qofkii ku guuleysto magac iyo maamuusba uu ku helaayo.

Abaal marintaan isaga guuleyso ma ahan waxay rabtaa juhdi iyo dadaal badan jilaa kastana waxaa lagu qiimeeyaa waxqabadkiisa sanadkaas iyo sida uu uga soo dhalaalay doorkiisa filimka uu ku jiro.

Sidoo kale abaal marinta waxay bilado gudoonsiisaa filim sameeyayaasha, muusikiistayaasha, kuwa sheekada filimada qoro iwm asigoona qof walba doorkiisa lagu qiimeeyo.

Biladaan ayaa waxaa la bixiyaa sanadkastaa waxaana bixinteeda la bilaabay sanadkii 1929kii ayadoo toogtaan ay tahay markii 92aad ee la bixinaayo.

Abaal marinta sanadkaan ayaa la bixin doonaa 9ka bisha Febraayo oo ku beegan maalinta bari ah waxaadna guuleystayaasha kala socon kartaan shabakada Filimside oo si toos qoraal ahaan idiin kuugu soo gudbin doonto.

Qofkii rabo inuu Live u daawado wuxuu kala socon karaa TVga ABC ee mareykanka laga leeyahay ama mid kamid ah kanaalada carbeed ee OSNka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here