Mega Power Star Ram Charan waa mid ka mid ah atoorayaasha ugu awooda badan ugu caansan Koonfur Hindiya kana tirsan shirkada Tollywood ee reer Telugu iska leeyihiin.

Haddaba waxaan idiin heynaa macluumaad kooban oo xiiso badan sidoo kalena aan wax badan laga ogeyn ama la sheeg sheegin:

Xogta 1-aad: Ram Charan magaciisa waxaa laga hormariyaa Mega Power Star oo ay taageerayaashiisa ugu yeeraan wuxuuna kasoo qaatay aabihiis iyo adeerkiisa darajadan loogu kala yeero Mega Star waxaa loogu yeeraa aabihiis Chiranjeevi halka Power Star aadeerkiisa Pawan Kalyan loogu yeero meeshaas ayuu ka keenay magacan Mega Power Star xidigan loogu yeero.

Xogta 2-aad: Ram Charan awoowgiis Allu Rama Lingaiah xurnimada Hindiya ayuu usoo halgamay markii Ingiriiska Hindiya heesteeb sidoo kalena wuxuu ahaa majaajiliste caan ah oo in ka badan 1000 filim Telugu ah kasoo muuqday.

Xogta 3-aad: Inta badan Ram Charan aabihiis Chiranjeevi ayaa muuqaalo marti ah ku yeesho filimadiisa sida Magadheera, Bruce Lee iyo kuwo kale

Xogta 4-aad: Ram Charan ficilada halista ah uu kusoo bandhigay filimkiisii Dhruva (2016) isaga ayaa toos u sameeyay weliba siweyn ayaa loogu amaanay halista uu u bareeray inkastoo aabihiis kala taliyay inuusan markale nafsadiisa halis galinin.

Xogta 5-aad: Ram Charan wuxuu leeyahay shirkad filimada maal galiso oo lagu magacaabo Konidela Production Company wuxuuna filimka kowaad u qarash gareeyay aabihiis Chiranjeevi oo fanka Tollywood ka maqnaa mudo ah wuxuuna u maal galiyay filimkii Hit ka weyn noqday Khaidi No. 150 sidoo kalena Ram wuxuu haatan aabihiis u maal galinaa filimka weyn Sye Ra Narasimha oo la daawan doono 2 October 2019.

Xogta 6-aad: Ram Charan waa hantiile iyo ganacsade weyn wuxuu iska leeyahay saamiga ugu badan Isbitaalka caanka ah Appollo Hospital oo Hyderabad ku yaalo sidoo kalena diyaarada rakaab oo lagu magacaabo TruJet.

Xogta 7-aad: Ram Charan waxay saaxiibo dhow yihiin xidiga Tollywood ka wada tirsan yihiin Rana Daggubati weliba isku iskuul ayay ahaayeeb magaalada Chennai ah wax kusoo wada barteen ilaa fasalka 9-aad ayay isla soo qaateen dhanka waxbarashada.

Xogta 8-aad: Ram Charan dhanka filim jilista waxay tababar isla wada qaateen jilaayaasha Bollywood ka sida Hrithik Roshan, Kareena Kapoor Khan iyo Priyanka Chopra iskuulka Kishore Namit Kapoor oo Mumbai ku yaalo ayay filim jilista ka wada barteen ka hor inta aysan fanka soo galin.

Dhamaad.

Qodobka aad ka heshay fikirkaaga ka dhiibo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here