Jilaaga caanka ah ee Ranbir Kapoor ayaa maanta u dabaal dagaayey sanad guuradiisa dhalasho waxuuna dhashtay xidigaan maanta oo kale 28 Sep 1982 waxuuna maanta si rasmi ah u jirsaday 37 sano cimri ah.

Hadaba waxaan kasoo diyaarinay Ranbir noloshiisa gaar ah macluumaad kusaabsan fadlan hoos kaga bogo maadama uu u dabaal dagaayo xaflada dhalashadiisa aawgeed:

Xaqiiqada 1-aad: Ranbir waa Kapoor-kii ugu horeeyay ee kasoo jeeda qoyska Raj Kapoor misane waxbarashada ka gaaray heer Koleej waxuu dhameeyay Class-ka 10-aad waxuuna u gudbay heer Koleej mana jiro qoyskooda qof heerkan kaga horeeyay.

Xaqiiqada 2-aad: Ranbir waxuu taageero weyn u yahay Laaciibka kubada cagta Lionel Messi ilaa bilawgii qarnigaan ayuuna taageero uahaa sidi kale wuxuu taageeraa kooxda Barcelona halka xiliyada uu firaaqada leeyahay kubada cagta ciyaaro isaga qudhiisa.

Xaqiiqada 3-aad Ranbir qoyskiisa waxay ugu yeeraan magaca “Baba” mayaclow ayuuna ka yahay gurigooda halka Bollywoodka u yaqaanana magaca “Chocolate Boy.”

Xaqiiqada 4-aad: waxuu taageero weyn u yahay xidigaha kala ah Rishi Kapoor (Aabihiis), Amitabh Bachchan, Shah Rukh Khan, Madhuri Dixit iyo Kajol.

Xaqiiqada 5-aad: Jilaagan waxuu hada kahor wareysi kusheegay inuu isagoo yar shukaansiga bilaaway waana shaqsi haasaawaha Hablaha aad ugi dheereya arinta xiisaha leh ayaa ah in Ranbir Kapoor uusan aheyn Bikro.

Xaqiiqada 6-aad: lambarka 8-aad inuu nasiibkiisa yahay ayuu rumeysan yahay Ranbir waxuuna lambarkan u jeclaaday maadama uu yahay maalinta ay dhalatay hooyadiis Neetu Kapoor ileen bil 8 mareyso ayee dhalatay waana sababta uu 8 ku jeclaaday xitaa funaanadiisa kubada cagta lambar 8 ayuu xirtaa.

Xaqiiqada 7-aad: wuxuu xiriir jaceyl lasoo sameeyay qaar kamid ah atiriishooyinkii Bollywoodka ugu quruxda badnaayeen sida Deepika Padukone, Katrina Kaif, Sonam Kapoor iyo Nargis Fakhri hadana mid uu guursaday malahan haatana Alia Bhatt ayuu xiriir la leeyahay.

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here