Home » Wararka Maanta » Waa Kee Aktarka Loo Doortay Inuu Yahay King Of Selfies

Waa Kee Aktarka Loo Doortay Inuu Yahay King Of Selfies

xidigaha bollywoodka waxaa caado u ah inay mar walba galaan sawirada nooca selfieska iyagoo xilli walba iyo marxlad kasta ay ku jiraan waa kuwa jecel inay galaan sawirada noocaan oo kale ah waxaana ugu horeeya aktarka shah rukh khan

iyadoo shah rukh khan uu yahay aktar da’ ahaan 52 sano laakiin midaas kama dhigna inuusan geli karin sawirka selfies iyadoo taageerayaasha shah rukh khan ay hore u bixiyaan dhawr magac oo kala duwan

sida king of bollywood badsha of bollywood iyo weliba king of romance intaas ka dib waxa ay markaan u halayn magac cusub kaaso ah king of selfies

 

shah rukh khan ayaa u muuqda sawirkan mid weli si fiican aysan u qaban da’da uu jiro madaam wejigiisa u muuqdo mid weli is haya shah rukh khan ayaa sawirkan soo dhigay baraha bulshada isagoo ku salaamayo taageerayaashiisa meel walba ay joogaan

Srk waxa uu weligiis ahaa mid si weyn dadka usoo jiita weliba si qaas ah dhanka gabdhaha dhanka shaqada shah rukh khan waxa uu mar dhow xayeesiin u sameyn doona filimkiisa zero

waxa qayb kala ah aktarada katrina kaif iyo anushka sharma kohli waxaana director ka ah anand la rai waxaana la qorsheenaya in la daawado dhamaadka sanadkan

Akhriste Sidee Ayuu Shah Rukh Khan Kula Muuqda Maku Raacsan Tahay Magaca Cusub Ee Loo Bixiyay

2 Responses to Waa Kee Aktarka Loo Doortay Inuu Yahay King Of Selfies

  1. Moha Ali

    October 15, 2018 at 11:51 pm

    waa kan taageere no 1 srk in magacan loo bixin doono waan filaayay waayo maalin waliba sawiro cusub ayaan ka arkaa oo uu isaga qaaday telka

  2. Amiira Ahmed

    October 16, 2018 at 3:07 pm

    haa dabcan wan ku racsanahay majirto cid udhiganta king of bollywood dhanwalba