Waxaa maanta si rasmi ah tiyaatarada loo saaray Filimka Diwali-gan ugu weyn Bollywoodka ee Houseful 4 waana taxanaha Houseful qeybtiisa 4-aad oo si weyn loo jecel yahay waxaana la filaa inuu guul wacan gaaro sida qeybihii hore.

Akshay Kumar, Riteish Deshmukh, Bobby Deol, Kriti Sanon, Kriti Kharbanda, Pooja Hegde, Johnny Lever, Chunky Panday iyo kuwa kale oo badan ayaa wada jilayaan waana sheeko khiyaali weyn oo hab shactiro ah loo sameeyay.

Mashruucan waxay sheekadiisa iyo doorarkiisaba is shabahaan Filimka Fun 2 shh lagu magacaabo ee 2003 la daawaday waxaana hogaamiye ka ahaa Paresh Rawal iyo koox shactiro ah oo la isugu keenay.

Filimkaas sheekadiisa waxay ku xeen daabneed 3-wiil oo booqanayaan 10 qarni kahor ama dib ayee u noqonayaan 10 qarni kahor ayagoo halkaas ku baranayaan 3-gabdho lamaanayaashooda noloshana ka dhiganayaan.

Waxayna dib ugu soo noqonayaan dhamaadka Filimka qarniga aan hada kujirno ayagoo safar kaga yimid 10 qarni kahor Sheekadan qiyaaliga ah dadka waa laga iibin waayey sidaa aawged H4 sheekadiisa waa 600 sano kahor dad noolaa oo deg deg u imaanayaan 600 sano kadib casriga maantana la jaan qaadayaan.

Inkastoo sheekada is shabahdo hadana wax badan ayee ku kala duwan yihiin beri subax sheekada mashruucan Filimside kala soco iyo waxa laga dhahay Insha’Allah….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here