Waa kuma Ahmet Tansu jilaaga laga daba dhacay ee soomaalida u taqaano Azaad Sadoglu iyo macluumaad u gaar ah.

0
4902

Jilaaga Ahmet Tansu waa mid kamid ah jilayaasha lafdhabarta u ah taxanaha Hercai wuxuuna sidoo kale kamid yahay jilayaasha loogu jecelyahay taxanahaan.

Ahmed Tansu oo taxanahaan ku matalaayo doorka Azad Sadoglu ayaa kamid ah dadka lidka ku ah atooraha taxanaha ee Miran Aslan Bey saas ay tahayna dadka Azaad ma necba.

Waa dhif iyo nadir in jilaa atooraha lid ku ah misna aan la necbeyn in la helaa waxaana doorkaas haatan inooga yaabsaday jilaagan Ahmed Tansu asigoona waliba taxanaha ku matalaayo qof qalbi nadiif ah leh misna jaceylkiisa uu u qabo Reyyan uu yahay mid uu hab saxan ku raadiyo isla markaasna dhagar iyo dibin daabyo marnaba adeegsan.

Hadaba waa kuma Ahmed Tansu?

Waa jilaa Turkish ah wuxuu dhashay 31dii bishii May 1984tii asigoona ku dhashay magaalada Ankara.

Ahmed ayaa jaamacada Ankara ee masraxdyada ka qalin jabiyay asigoona halkaas ku bartay fanka iyo jiliinka.

Ahmed asigoo aad u yar ayuu fanka kusoo biiray wuxuuna markii ugu horeysay masraxa kasoo muuqday sanadkii 1996dii.

Kadib Ahmed ayaa markale tababar ku laabtay waliba dhanka jiliinka ah asigoona mudo 4 sano ah howshaas waday ilaa uu ka qalin jabiyay sanadihii u dhaxeeyay 2002dii ilaa 2006dii.

Taxanayaashii ugu muhiimsanaa ee uu kasoo muuqday waxaa kamid ahaa taxanaha la yiraahdo Rabiic al-kaadib ee soo baxay sanadkii 2011dii sidoo kale wuxuu door weyn ku lahaa taxanaha Jaceyl iyo maal madow ee uu lawaday jilaaga caanka ah ee Engin Ekyurek wuxuuna ahaa taxane uu aqoonsi fiican ku helay.

Ahmed ayaa haatan kamid ah jilayaasha taxanaha Hercai wuxuuna ku matalayaa door aad u dhib badan asigoona jaceyl u qaadayo atariishada taasoo aan asiga walaalnimo waxaan dhaafsiisneyn u qabin balse asiga marnaba ma quusanaayo.

Hadaba akhristow sidee u aragtaa jilaaga Ahmed Tansu?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here