Atirishada Kiara Advani waa xidig banaanka ku dhacday sidoo kalena awoodeeda sare u kacday kadib markii sanadkii hore Hindiya ku qabsatay labada filim u hirgaleen Kabir Singh oo Blockbuster weyn noqday iyo Good Newwz oo Super Hit noqday haatana filim soo saarayaasha siweyn ayay u doon doonaan.

Balse Kiara Advani waqti adag ayay soo martay mana loo maleeyo 7-sano ka hor inay Bollywood-ka soo gashay wuxuuna filimkeedii kowaad ahaa Fugly oo ay la sameesay Mohit Marwah iyo Vijender Singh kadibna waxay la shaqeesay atoorayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Sushant Singh Rajput (MS Dhoni: An Untold Story), Vicky Kaushal (Lust Stories), Varun Dhawan (Kalank), Shahid Kapoor (Kabir Singh) iyo Diljit Dosanjh (Good Newwz) sidoo kalen atoorayaasha Koonfur Hindiya wey la shaqeesay sida Mahesh Babu iyo Ram Charan.

Balse Kiara Advani atooraha ay ugu jeceshahay ma ahan kuwi ay shaashada jaceyl kula wadaagtay waa Bollywood Superstar Akshay Kumar oo ay ku tilmaantay midka ay taageeraha weyn u tahay sidoo kalena jeceshahay inay filim walbo la sameyso madaama filimkeedii kowaad Fugly Akshay maal galiyay.

Sidoo kale Kiara waxay Akshay la sameesay filimkii Good Newwz inkastoo lamaantiisa shaashada aysan ku matalin balse dhawaan waxay isla sameeyeen filimka Laxmi Bomb oo shaqadiisa soo idlaatay lana daawan lahaa Jimcadan nagu soo fool leh 22 May 2020 balse dib loo dhigay daawashadiisa bandowga Hindiya ka jiro awgeed waxaana macquul ah in Digital-ka laga laga daawado ama si Online ah Internet-ka looga daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here