Race 3 waa Filim la daawaday 2018 ganacsi ahaan guul dhex dhexaad oo Average ah ayuu gaaray sheeko ahaan iyo xiiso ahaana waxaa in badanka fiican labadii qeybood ee hore si fududna Director Remo D’Souza Filimkaan wuu ku ciyaaray waxaana ku fiicnaa Saif Ali Khan in badan inuu hogaamiye ka noqdo.

Hadaba ma ogtahay akhriste in Bobby Deol looga horeeyay doorka uu Filimkaan kujilay sababto ah atoorw kale ayaa iska diiday doorkaas oo markii hore loo bandhigay cid kalena ma ahan atoorahaas waa Sidharth Malhotra.

Haa, Sidharth ayaa loo bandhigay doorka Bobby ee Filimkaan balse wuu iska diiday maadama uu waqti u waayey uu kuduubo Race 3 waxuuna yiri isagoo ka hadlaayo,”waan jeclaa inaan Salman la shaqeyo laakiin xiliga duub la idhahay ayaa igu adkaatay maadama howlo kale bartanka kaga jiray balse waan la shaqeyn doona mustaqbalka dhow.”

Wey fiicnaan lahed hadii shaashada wadaagi lahaayen Salman Khan iyo Sidhartha Malhotra dhanka shaqada Sidharth waxaa maanta tiyaatarada loo saaray Filimkiisa Marjaavan ee Ritesh Deshmukh, Tara Sutaria iyo Rakul Preet Singh la jilayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here