Filimka Baaghi 3 duubistiisa haatan waxay ka socotaa gudaha dalka Serbia halkaasna waxaa jadwal muhiim ah ku duubayaan Tiger Shroff iyo Shraddha Kapoor waxaana xusid mudan in mashruucan maalin walbo lagu soo daraayo jilaayaal saameyn leh ayadoo horey loogu soo daray Riteish Deshmukh, Ankita Lokhande iyo Satish Kaushik haatana waxaa lagu soo daray atoore kale oo door adag ku yeelan doono.

Vijay Varma oo ku caan baxay filimkii Gully Boy oo uu Ranveer Singh iyo Alia Bhatt la sameeyay ayaa haatan kooxd Baaghi 3 kusoo biiray wuxuuna gaaray dalka Serbia si uu qayb kaga noqdo jadwalka muhiimka ah ee halkaas ka socdo sida uu xaqiijiyay Director Ahmed Khan.

Vijay Varma ayaa door ahaan ku matalaayo inuu Tiger Shroff ku caawin doono gudaha Serbia mar uu la kulmaayo dhibaato isaga ka tan weyn wuxuuna Director Ahmed Khan sheegay in Vijay Varma doorkiisa muhiim u yahay sheekada Baaghi 3 sidoo kalena daawadayaasha ka heli doonaan.

Sidoo kalena Vijay Varma isagana wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay doorka laga siiyay filimka Baaghi 3 oo tiyaatarada la saari doono 6 Maarso 2020 wuxuuna ka mid yahay aflaanta ugu saameynta badan ugu hadal heynta badan ee sida weyn sanadka dambe loo sugaayo madaama labadiisii qeybood hore taxanahan Big Hits noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here