Gaurav S Bajaj waa jilaa caan noqday oo sameeya Taxanayaasha Hindiga ah ee Tv-yada laga daawado maadama akhrsitayaal badan jecel yihiin jilaagan inee noloshiisa wax uun ka ogaadan macluumaad yar ayaa kasoo diyaarinay hoos kaga bogo:

Xaqiiqada 1-aad: Jilaagan waa atoore dadaal badan kartidiisa iyo qaab jiliinkiisa mudadii uu fanka ku guda jiray waxuu shaqeestay lacag dhan $10 Million hantidiisa hader intaas ayee mareysaa walina howsha jiliinka wuu wadaa.

Xaqiiqada 2-aad: Gaurav oo Soomaalida u taqaano iyo dadyowga kaleba magaca Sher waxuu dhashtay 16 Nov 1990 sidaa aawged hader waa 29 jir.

Xaqiiqada 3-aad: Diinta Hinduga ayuu heestaa waxuuna xiiseya Games-ka inu ciyaaro iyo daawashada aflaamta.

Xaqiiqada 4-aad: Waa xaasle waxuu guursaday 10 December 2013 xaaskiisa waxaa lagu magacaaba Sakshi Shhorwani waana lamaane caan ah oo warbixinooyin badan laga qoray.

Xaqiiqada 5-aad: Musalsalkiisa kowaad wuxuu ahaa Sapnon Se Bhare Naina kaaso socday 2010 ilaa 2012 wixii markaas ka dambeeyay jilaagan dib uma soo jeedsan musalsalka uu ku caan baxay waa Piya Rangrezz oo uu kujilay doorka Thakur Sher Singh.

Xaqiiqada 6-aad: Bollywoodka waxuu ka taageera atiriishada caanka ah ee Katrina Kaif lamana oga atooraha uu taageero balse inuu Kat aad u jecel yahay ayaa lahubaa.

Xaqiiqada 7-aad: Waxuu cabaa qamriga mararka qaar hadaba waa shaqsi GYMka iyo jirdhiska jecel laakiin sigaarka lama tuso wuu neceb yahay eey yar oo uu korsadana guriga ayuu ujoogaa.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here