Bollywood-ka iskoorada haatan ay sameenayaan waxaa ka horeeyeen rikooro fanka dhidibada loogu taagay kuwaas oo ay adag tahay in la gaaro.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa aqristayaasha qiimaha badan atoorihii ugu horeeyay ee Bollywood-ka ka tirsan kaasi oo 6-filim Hit dhameestiran noqdeen isku xijiyay.

Atoorahaas iskoorkaan taariikhiga ah ka tagay waa Rajendra Kumar oo sanadihii 60-maadkii la yimid 6-filim Hit ah oo isku xigaan.

Hadaba Rajendra Kumar iyo sida uu iskoorkaan ku bilaabay fadlan hoos kaga bogo ama uu 6-filim xariir ah Hit dhameestiran noqdeen ku sameeyay:

1. Mere Mehboob (1963)- Blockbuster waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay 1963

2. Zindagi (1964)- Hit waa filimka 8-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 1964

3. Sangam (1964)- Blockbuster waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay 1964

4. Ayee Milan Ke Bela (1964)- Superhit waa filimka labaad lacagaha ugu badan soo xareeyay 1964

5. Arzoo(1965)- Superhit waa filimka 5-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 1965

6. Suraj(1966)-Superhit waa filimka labaad lacagaha ugu badan soo xareeyay 1966

Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Rajendra Kumar:

Rajendra Kumar wuxuu ka mid yahay atoorayaashii ay shabakada Boxoffice India ku tilmaantay inuu darajada Superstar gaaray 60-maadkii madaama uu sameeyay 4-Hit ugu weynaa 60-maadkii intii u dhaxeesay 1960 ilaa 1969 waana filimada kala ah Mughale Azam, Sangam, Ganga Jamuna iyo Mere Mehboob.

Sidoo kale Boxoffice India waxay ku tilmaantay atoorihii fariinta jaceyl sameyn jiray midkiisii ugu awooda badna Bollywood-ka 50-maadkii iyo 60-maadkii kadibna darajada jaceyl sameynta ama Romantic Hero waxaa ku qabsada Shami Kapoor kadibna waxaa lasii wareegay Rajesh Khanna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here