Engin Akyürek waa mid ka mid ah jilaayaasha ugu caansan dalka Turkish isagoo ah shaqsi si weyn loogu xasuusto samaynta musalsalada iyo aflaamta loo yaqaano short films

Engin Akyürek waxa uu dhashay 12 October sanadkii 1981 waana 37 sano jir isagoo ku dhashay magaalada caasimada dalka Turkish ee Ankara sidoo kale aktarkan waxaa aabihiisa waxaa uu ka mid ahaa jiray dawalada halka hooyadiisa ay iska ahayd marwo guri joogto ah

Waayihiisa Aktarnimo

Engin Akyürek markii sanadkii 2004 ka qalan-jabiyay jaamacada labo sano ka dib waxa uu fursad u helay inuu kasoo muuqdo tartamada laga daawado Tv-Yada kaaso lagu magacaabo Turkiye’nin Yildizlari  waxaana midaas ay ka caawisay inuu door laga siiyo musasalka lagu magacaabo Yabanci Damat kaaso la daawaday inta u dhaxeesay 2004-2007

ka dib aktarkan waxa uu ku biiray samaynta aflaamta isagoo markii ugu horeesay kasoo muuqday filim lagu magacaabo Demirkubuz kaaso uu ku jilaayay doorka Kader waxaana la daawaday sanadkii 2006 waxaana bandhiga filimkaas uu ku mutaystay In la gudoonsiiyo abaal-marino badan kuwaaso ay ka mid yihiin “Most Promising Actor”

ka dib markaas waxa uu fursad u helay inuu noqdo aktar dhamaystiran kaaso sameeya taxanaha ugu caansan dalka Turkish isagoo door weyn ku lahaa musasalka lagu magacaabo Karayilan isagoo ku jilaayay doorka Nizipli Halim waxaana musalsalkan u socda inta u dhaxeesay 2007 – 2008

Engin Akyürek waxaa markaas hogaanka u qabtay jilaayaasha ugu caansan dalka Turkish ka dib markii uu kasoo muuqday taxanayaal muhiim ah kuwaaso si weyn loogu amaanay bandhigiisa sida Bir Bulut Olsam (2010 – 2012) kaaso looga hadlaayo dhibaatada iyo samaynta uu bulshada kala kulanto kufsiga

Engin Akyürek muddo labo ayuu ka maqnaa saaxada iyo samaynta musalsalada isagoo sanadkii 2014 dib ugu soo laabtay musasalkii caanka ah ee Kara Para Aşk iyo doorkiisa dambi baare Omar waxaana la waday atariishada caanka ah Tuba Buyukustun waxaana  Engin Akyürek    taxanahan lagu siiyay aktarka ugu wanaagsan abaal-marinta Seoul International Drama Award isagoo xitaa u tartamay abaal-marino badan sida Emmy Awards

 Engin Akyürek waxaa uu sameeyay waayihiisa jilaanimo 6 musalsal waxaana musalsalkiisa ugu dambeeyay lagu magacaabo Ölene Kadar kaaso la daawaday sanadkii 2017 aktarkan dhawaanahan waxa uu u batay samaynta aflaamta waxaana sanadkan 2009 usoo bixi doona Filim lagu magacaabo Bir Aşk Iki

Diinta U Haysto

Engin Akyürek waxa lagu tiriyaa jilaayaal haysta diinta Islam sida ku cad Googlaha iyo Wikipedia iyo website walba oo ka hadla taariikhda aktarkan

Xariirada U Sameeyay Aktarkan

Engin Akyürek weli muusan guursan laakiin waxa uu hore xariir jaceyl lasoo sameeyay atariishooyinka ugu caansan fanka Turkish sida Cansu Taskin taaso ay wada socdaan kaliya hal sano kaaso ahaa sanadkii 2011 ka dib Engin Akyürek  waxa uu Shukaansaday atariishooyinka kala ah Tuvana Turkey sanadkii 2015 iyo Cansu Dere taaso ay wada socdayn sanadkii 2018

laakiin aktarkan dhawaanahan waxaa si weyn loogu xamanaayay inuu xariir la bilaabay atariishada caanka ah Tuba Buyukustun ( Lamiis) laakiin aktarkan markii dambe waa uu beeniyay inuu xariir la leeyahay atariishadan

Abaal-marinada Uu Haysto Aktarkan

Engin Akurek sanadkii 2006 u tartamay tartanka quruxda ragga ee 2006 iyo ka dib waxa uu kusoo biiray dhanka iyo samaynta musalsalada isagoo kusoo caan baxay filimka lagu magacaabo ​​”Zeki Demirkubuz”. Waxa kale sidoo kale uu kasoo shaqeeyay filimka “Destiny”.

sidoo kale Engine Akurek ayaa waxa uu ku guuleystay abaalmarinta aktarka ugu wanaagsan ee sanadka markaaso uu jiray 30-sano jir

aktarkan waxaa dhawr jeer ku guuleystay abaal-marinta aktarka ugu wanaagsan dalka Turkish sida Seolida International Drama Award iyo Abaal-marinta Most Promising Actor ee  abaal-marinta Emmy Awards

Hantida uu Haysto

Engin Akurek waxaa lagu tilmaama inuu actorka ugu guulaha dalka Turkiga sababtoo waxa uu leeyahay tayo jiliin heer sare ah taaso u suurta gelisay inuu ka mid noqdo jilaayaasha ugu caansan dalka Turkish

Isagoo ka mid ah aktarada ugu mushaarka badan gudaha turkiga Engine Akurek ayaa waxaa hantidiisa lagu qiyaasay inay dhan tahay $ 1.5 Milyan oo doolar wuxuuna ku jiraa kaalinta 8 10-ka ugu sareeya ee ugu qanisan dalka Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here