Waa kuma Fanaankan dhunkashada roobka uga dhigay Hande Ercel xili dadweynaha oo dhami daawanayeen?

0
1475

Murat Dalkilic waa fanaan reer turki waana xabiibka atariishada Hande Ercel waxaana dhacday in Hande ay ka qeyb gashay bandhig show uu qabtay iyadoona fadhisay kuraasta ugu horeyso.

Murat oo masraxa ka heesaayay ayaa halmar soo aaday dhanka ay fadhisay gacalisadiisa Hande Ercel asigoona dhunkasho ku bilaabay asigoona sila waqtigaas hees jaceyl ku luuqeynaayay waxaana halmar u saro joogsaday jamaahiirta showgaas soo xaadirtay sacbisna bilowday.

Murat Dalkilic iyo Hande Ercel ayaa horay u kala tagay balse sanadkaan bilowgiisa ayay dib isugu soo laabteen kadib geeridii Hande hooyadeed wuxuuna Murat u muujiyay Hande garab weyn taasoona kaliftay in ugu dambeyn xiriirkooda soo laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here