Waa kuma jilaaga iska diiday doorka Miiraan ee taxanaha Hercai?

0
1412

Taxanaha Hercai oo ah taxane si weyn u hirgalay khaasatan doorka uu taxanahaan ku leeyahay jilaaga Akina Akinozu (Miiraan) ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa inuusan aheyn dooqa koowaad ee taxanahaan isla markaasna jilaa kale lala rabay, hadaba waa kuma jilaagaas?

Can Nergis oo jilaa da’yar ayaa sheegay in loosoo bandhigay Inuu hogaamiye ka noqdo taxanaha Hercai khaasatan doorka uu taxanahaan ku jilayo Miiraan balse uu iska diiday sababo uusan shaacin Karin owgeed.

Jilaagaan oo dhawaan saxaafada la hadlay ayaa yiri; waxaan kansalay heshiis aan la galay shirkada taxanahaan iska leh sababo ii gaar ah owgood balse Akin (miiraan) wuxuu doorkiisa uga soo baxay si cajiib ah  waxaana leeyahay horay u soco”

Can Nergis oo hadalkiisa sii watay sidoo kalana amaan ugu qubeeyay Akina ayaa yiri; “hadii aan aniga doorkaas gali lahaa waan hubaa inaan uga soo bixi laheyn sida uu doorkaas uga soo baxay Akin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here