Karan Johar waa soo saare sidoo kalana maal galiye weyn ah waxaana intaas usii dheer barnaamijyo xiiso leh oo uu TVyada qaar kasii daayo.

Mid kamid ah barnaamijyadiisa waxaa kamid ah Calling Karan waana barnaamij xiiso leh oo Karan Johar su’aalo lagu weydiiyo sidoo kalana uu bulshada talooyin kusiiyo.

Hadaba hada kahor ayaa laweydiiyay su’aal ah; waa maxay sheyga ugu muhiimsan ee xiriirka lagu ilaaliyo kaasoo aysan habooneyn in lagu xadgudbo?

Karan ayaa ku jawaabay; “waa khusuusiyada (in qofka sirtiisa la raac raaco sida dhambaaladiisa iwm) waana xaajizka ugu muhiimsan kaasoo aysan habooneyn in lagu xadgudbo”

Kadib Karan ayaa laweydiiyay jilaaga ugu badan ee xuduudaas markasta ka talaabo wuxuuna si dag dag badan ugu jawaabay; waa Ranbir Kapoor.

Waxaa xusid mudan in Karan iyo Ranbir horay uga soo wada shaqeeyeen filimada Bombay Velvet iyo Ae Dil Hai Mushkil ayagoona haatan markii sadaxaad iskala shaqeynaayo filimka lawada sugaayo ee Brahmastra.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here