maalmahan waxaa dalka india iyo daafaha caalamka si weyn loogu hadal-haya bur-burkii ku yimid filimka Inshallah kaaso markii hore hogaamiye looga dhigay Salman Khan iyo Alia Bhatt halka uu Director ka yahay Sanjay Leela Bhansali

laakiin hadda waxaa si weyn u niyad jabsan taageerayaasha Salman Khan iyo Alia Bhatt maadaama Salman Khan maalintii shalay uu shaaca ka qaaday in filimka Inshallah Eid 2020 la daawan doonin waxaana arrinkan loo fasirtay dhawr nooc sheeko oo kala duwan iyo inuu qilaaf ka dhaxeeyo Sanjay Leela iyo Salman Khan

laakiin subaxan waxaa soo baxay war ka duwan kuwii hore kaaso sheegaya Salman Khan inuu markii hore uu doonaya inuu filimkan kusoo daro labada atariisho ee lagu kala magacaabo Daisy Shah, Waluscha De Sousa

Salman Khan waxaa lagu yaqaana caawinta jilaayaasha aan awoodda lahayn gaar ahaan atariiahooyinka isagoo marar badan soo gacan qabtay atariishada Daisy Shah maadaama uu kusoo daray mashruucyo badan sida Jai Ho iyo Race 2 waana arrin Salman kaga duwan yabay aktarada kale maadaam awoodiisa xiligan ay ka saacidayso in loo fuliyo go’aanadiisa

laakiin markan waxaa go’aanka Salman Khan ka horyimid Director Sanjay Leela kaaso Salman Kha u sheegay inuusan atariishooyinkan qayb ka ahayn filimkan

waxaana arrintaas sababtay inuu Salman Khan gabi ahaanba isaga baxo mashruucan isagoo fariimo soo dhigay baraha bulshada kaaso u ku cadeenaayo in maalinta Eid la imaan doono filim madadaalo dhamaystiran leh kuwaaso loo badinaayo inay yihiin midkood Wanted 2 ama Kick 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here