Marka ay timaado labiska atoorayaasha Bollywood-ka xirtaan waa kuwo ciwaano sameeyaan dadkana ku daysadaan haddii ay noqoto labiska ay shaashada la hor imaadaan marka ay shaqo ku jiraan ama labiska kale oo ay xirtaan xiliyada xafladaha joogaan ama meel fagaaro ah lagu arko sidaa darteed waa qasab in marwalbo laga doodo waa kuma atooraha ugu labiska qurxoon Bollywood-ka?

Haddaba ruug cadaa Suniel Shetty oo ku caan baxay dhanka labiska iyo Fashion-ka tan iyo 90-maadkiina Model-ka lagu yaqiinay ayaa lagu casuumay dukaan weyn oo dharka lagu iibiyo inuu xariga ka jaro kaasi oo Mumbai ku yaalo waxaana goobta imaadeen saxaafada si ay Suniel su’aalo u weydiiyaan.

Suniel Shetty waxaa la weydiiyay atooraha ama atoorayaasha ugu labiska qurxoon Bollywood-ka wuxuuna ku jawaabay “Haddii uu jiro nolosheyda qof aan dhanka Fashion-ka kaga dayanaayo waa Jackie Shroff waayo waligiis labiska laguma gaarin dhar walbo uu xirtana wuu kusoo baxaa ilaa iminka.”

Suniel oo hadalka sii wato wuxu yiri “Maantadan la joogo haddii u jiro qof aan labiskiisa ka helay ima isoo jiitay waa Shahid Kapoor waayo wax walbo uu Shahid xirto wuu kusoo baxaa, sidaa darteed waxaan u maleynaa labadaas inay yihiin kuwa ugu labiska wacan xiligaan dhar walbana kusoo baxayaan.”

Suniel Shetty oo 59-jir ah wuxuu sheegay in dhalinta maanta aysan labis iyo caafimaad qabka jirka kula tartami karin da’da uu jiro iyo sida uu jirkiisa ugu dadaalo aad u kala duwan yihiin wuxuuna dhalinta ku booriyay inay caafimaadkooda ku dadaalaan sidoo kalena labis wanaagsan marwalbo xirtaan.

Dhanka shaqada Suniel Shetty waxaa u diyaarsan filimka Malayalam-ka ah ee lagu magacaabo Marakkar lana daawan doono 26 Maarso 2020 waxaana hogaamiye kowaad ka ah Superstar Mohanlal halka Priyadarshan uu Director ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here