Home » Nolosha Jilaayaasha » Waa Kuma Qofka Amitabh Bachchan Filmka Sheekadisa Wanaagsan U Dooqo!!

Waa Kuma Qofka Amitabh Bachchan Filmka Sheekadisa Wanaagsan U Dooqo!!

Mega Star Amitabh Bachchan maalintii shalay ahed waxuu u dabaal dagaayey sanad guuradiisa dhalasho oo ku beegned maadama uu dhashtay shalay oo kal 11 October sanadkii 1942 waxuuna jirsaday xidigaan 76 sano.

Amitabh aflaam badan ayuu sameeyay balse Hit-kiisa ugu weyn abid waa filmka Sholay balse akhriste kaliya Amitabh Bachchan Hit-kiisa ugu weyn Sholay ma ah ee dhamaan Bollywoodka ilaa waqtigaan Sholay ayaa ugu weyn Hit ahaan.

Qaab jiliinkisa wacan abaal marino badan ayuu ku qaatay xidigaan waxaaba si fudud loo dhihi karaa waa atooraha taariikh ahaan India oo dhan ugu awooda badan uguna magaca weyn looguna jecelyahay.

Big B waxaa la ogaaday qofka aflaamta u xula sido kalena filmka sheekada wanaagsan u dooqa maadama uu had iyo jeer jecelyahay xidigaan inuu sameeyo film sheeko wanaagsan doorkisana lagu amaano.

Daughter Shweta helps Big B choose right scripts

Cidkale ma ahan gabadhiisa Shweta Bachchan ayaa had iyo jeer uu kala tashtaa Bachchan marka uu film saxiixanyo, tusaale filmsameyaal kala duwan ayaa mashaariic xiiso leh usoo bandhigaan midka ugu wanaagsan waxaa u dooqda gabadhiisa.

Shweta oo Big B aad uu u jecelyahay ayaa aabahed ka caawisa dooqa aflaamta uu saxiixan lahaa iyadoo u dooqda filmka sheeko wanaagsan door wacana uu ku lahaado halyeeygan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *