Home » . » Waa Kuma Qofka Ay Alia Bhatt U Sheegato Murugteeda Marka Ay Guuldaro La Kulanto!!

Waa Kuma Qofka Ay Alia Bhatt U Sheegato Murugteeda Marka Ay Guuldaro La Kulanto!!

Alia Bhatt ayaa shalay ka hadashay murugadii kasoo gaartay filmkeeda Shaandaar kaaso sanadkii 2015 guuldaro ku habsaday.

Alia ayaa sido kale sheegtay ine aad oga murugootay guuldaradaas sido kalena dhahday ineesan marnaba ka cabsi qabin oo ay ka cabsaneynin guuldarada balse ay ka xumaaneyso marka film ka guuldaresto.

Sidaan wada ognahay xidigtaan waxay dhamesatay 5 sano oo Bollywoodka kujirtay waxayna kusoo gashay Bollywoodka filmkeedi Student of The Year kaso ay la hogaamineysay xidigaha kala ah Varun Dhawan iyo Sidharta Malhotra.

Sidaa awged Alia marka 2 film laga reebo guud ahaan aflaamteda kale guul ayee gaareen waana atiriisho guusha usaaxiib ah 2 daas film waxay kala yihiin Shaandaar iyo Highway.

Hadaba Alia ayaa sheegtay shaqsiga ayada marka ay murugooto utakto sido kalena niyada udhiso, akhriste meel kale wax ka dayin shaqsigaas waa aabahed Mahesh Bhatt.

“Markii aan ogaaday in filmkeyga Shaandaar guuldarestay waxaan aaday dhanka aabahay kaaso niyada iidhisay waayo waa qofka kaliya ee aan utago marka aan murug la kulmo.”

Dhanka shaqada Alia waxay dhameesay duubista filmkeeda Raazi kaaso uu la hogaaminaayo Vicky Kaushal waxaana Director ka ah fimkaan Meghna Gulzar waxaana la daawan doona 11 May 2018.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *