Home » Nolosha Jilaayaasha » Waa Kuma Shaqsiga Aadka Ugu Dhowaaday Katrina Intii Lagu Guda Jiray Bandhiga Da-Bangg Tour!!

Waa Kuma Shaqsiga Aadka Ugu Dhowaaday Katrina Intii Lagu Guda Jiray Bandhiga Da-Bangg Tour!!

Da-Bangg Tour waa bandhig caalami ah oo uu hormuud ka yahay Mega Star Salman Khan halka ay ku weheliyaan Katrina Kaif, Jacqueline Fernandez, Daisy Shah, Sonakshi Sinha, Prabhudheva iyo kuwa kale o badan.

Waxuuna Sallu showgaan ku qabtaa magaalooyinka ugu waa weyn caalamka sanadkiiba mar ayuu qabtaa xidigtaan bandhigaan, hadaba sanadkaan wey soo gaba gabeyeen bandhiga .

Katrina oo kamid ahed shaqsiyaadka wacdaraha ka dhigeen bandhigan waxay isku fahmeen aadna isugu dhowaadeen Maniesh Paul oo kamid ah xidigaha bandhigaan wax ka qabteen.

Maniesh iyo Katrian kaftan badan ayaa dhexmaray waxayna noqdee laba qof oo sheekadooda isugu baxday intii bandhiga lagu guda jiray sido kalena baraha bulshada xitaa ku sheekestaan.

Energy-ga badan ee Maniesh iyo fir fircoonidiisa aad aye oga heshay Katrina balse taasi micnaheeda ma ahan in dareen ama xiriir meesha yimid ee waa laba qof saaxiibo caadi ah noqdeen mudadan dambe waana shaqsiga kowaad ee Katrina ka xasuusan doonto bandhigaan intii ay duubeysay…