Home » Arimaha Bulshada » Waa kuma shaqsiga adduunka ugu taajirsan – Mase ogtahay in Bill Gates lagala wareegay derejadaan?

Waa kuma shaqsiga adduunka ugu taajirsan – Mase ogtahay in Bill Gates lagala wareegay derejadaan?

Guddoomiyaha suuqa online-ka Amazon ninka lagu magacaabo Jeff Bezos ayaa noqday shaqsiga ugu taajirsan adduunka, waana markii labaad ee noloshiisa oo derejadaan helayo.

Bishii lasoo dhaafay ee October Jeff Bezos ayaa helay 10.3 bilyan oo dollars oo macaash ah, taasoo ka dhigan inay boqolkiiba 8 sarre u kac sameysay shirkaddiisa Amazon marka loo barbardhigo bishii kasii horreysay.

Bill Gates ayuuna kala wareegay derejada shaqsiga ugu taajirsan adduunka, ka dib markii shirkadda Bill Gates ee Microsoft ay hoos u dhac boqolkiiba 7 ah sameysay.

Bezos ayaa wuxuu haatan heystaa 93.1 bilyan oo dollars, wuxuuna ka sarre maray, Bill Gates oo heysta 90.1 bilyan oo dollars.

Sidaas darteed, Bezos wuxuu haatan si rasmi ah u noqday shaqsiga koowaad ee ugu taajirsan adduunkaan, wuxuuna 3.1 bilyan oo dollars ka sarreysaa Gates.

One Response to Waa kuma shaqsiga adduunka ugu taajirsan – Mase ogtahay in Bill Gates lagala wareegay derejadaan?

  1. AZ

    November 21, 2017 at 9:55 am

    Warbixintan waxaan u malaynayaa inay khaldantahay sababtoo ah Forbes oo tan ugu weyn ee dhaqaalaha dunida ka faaloota Listga ay daabacday waxaa wali ugu lacag badan dunida Bill Gates wuxuuna haystaa 86B,

    Jeff Bezos wuxuu ku jiraa kaalinta 3aad wuxuuna haystaa $72.8 B waxaana kasii sareeyay ninka lagu magacaabo Warren Buffett oo haysta hanti dhan $75.6 B

    Lkn Jeff sida ay daabacday Forbes waa ninka dunida uu soo galay dakhligii ugu badnaa sanadkii lasoo dhaafay oo qudha wuxuu helay 27.6B.

    Marka Link-ga ila wadaaga aad kasoo xigateen warbixintan – Mahadsanidin