Home » Nolosha Jilaayaasha » Waa Kuma Tiger Shroff Super Star-ka Uu Jecel Yahay Inuu Wadadiisa Maro Dhanka Fankana Kaga Daydo!!

Waa Kuma Tiger Shroff Super Star-ka Uu Jecel Yahay Inuu Wadadiisa Maro Dhanka Fankana Kaga Daydo!!

Tiger Shroff oo haatan lagu tilmaamo jilaaga dhalinta Hindiya loogu jecel yahay sidoo kalena dadaalkiisa aadka u sareeyo ayaa arin xiiso badan ka dhawaajiyay.

Tiger Shroff wuxuu yiri “Xaqiiqada ayaa ah inaan Bollywood-ka aqoonsi ku dhex yeeshay anigoon qofna garab weydiisanin, xaqiiqada waxay tahay in dadka wax badan iiga fadhiyaan inaan la imaado”

“Xaqiiqada waxay tahay inaan ahay wiilka Jackie Shroff laakiin qof walbo wuxuu iga doonayaa inaan fanka ka gaaro heerkii ugu sareeyay”

“Si aan hadafkeyga u xaqiijiyo waxaan wax walbo kaga dayan doonaa Super Star-ka aan yaraanteyda taageeri jiray, qof kale ma ahan waa Hrithik Roshan”

“Hrithik waa jilaa si adag u shaqeeyo sidoo kalena xirfad walbo u dhameestiran tahay anigana hadafkeyga wuxuu yahay inaan maro wadada uu Hrithik Roshan maray”

Dhanka shaqada Tiger filmkisa xiga wa Baaghi 2 kaaso la daawan doono sanadka dambe 2018 waxaana filmkaan la hogaamineyso gabadha lagu magacaabo Disha Patani haderna duubis ayuu kuwadaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *