Athiya Shetty waa atirisho ka tirsan Bollywood-ka sidoo kalena Model-ka sameyso waxaana aabo u ah ruug cadaa Suniel Shetty waxayna atirishadan fanka kusoo biirtay sanadii 2015 ayadoo Salman Khan uu kusoo caan bixiyay filimkii Hero oo ay la sameesay Sooraj Pancholi.

Athiya Shetty ayaa haatan ciwaano sameeneyso waana ciwaano quseeyaan nolosheeda gaarka ah kadib markii haatan banaanka usoo baxday in Athiya xiriir kala dhaxeeyo cayaaryahanka Cricket-ka ku caan baxay KL Rahul.

Shabakada Times Of India ayaa banaanka soo dhigtay in xiriirka Athiya Shetty iyo KL Rahul yahay mid hadda kadib aan la qarin karin markii laga qabtay sawiro ayagoo kulan casho soo wada qaateen sidoo kalena barhaa bulshada ayaa dhawaanahanba xiriirkooda lagu hadal haayay.

Athiya Shetty waxaa horey loogu xaman jiray inuu xiriir kala dhaxeeyo Arjun Kapoor oo ay isla sameeyeen filimkii Mubarakan kadibna xiriir qarsoodi ah dhex maray laakiin xiriirkooda ma waarin sababtoo ah Arjun wuxuu haatan saaxiib la yahay Malaika Arora halka Athiya Shetty iyadana haatan cidla ka baxday madaama cayaaryahan KL Rahul wehel ka dhiganeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here