Madaama haatan Bollywood-ka wax howl ah ka soconin sidoo kalena Hindiya ku jirto bandow soo bilaawday bartimhii Maarso waxaa fursad loo helay in dabagal iyo baaritaan lagu sameeyo xogaha nagu qarsoon ee u gaarka ah jilaayaasha Bollywood-ka.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa warbixintii ugu dambeesay ee lasoo daabacay kuna aadan 10-ka atirisho ee Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo lacagaha ugu badan filimada ku sameeyaan waqti xaadirkan la joogo waxayna xogtaan ku saleesan tahay 12-ka bilood ugu dambeesay saxiixyada ay atirishooyinka Bollywood-ka sameeyeen laguna jaan gooyay sicirkooda suuqa ama lacagaha ay dalban karaan halkii filim oo ay sameenayaan.

Maxaa Ka Dhigi Karo Atirisho Inay Lacagaha Ugu Badan Filimada Ku Sameyso?

Si sahlan guulaha aflaanteeda ayaa ka dhigi karaan lacagaha ugu badan inay dalbato sidoo kalena atirisho walbo aflaanteeda guulaha gaareen hadba saameynta ay ku leedahay ayay ku xirantahay lacagaha ay dalban karto. Waxaa dhici karto atirisho filim Blockbuster noqday sameesay inay ka suuq sareyso atirisho filimkeeda HIT noqday sababtana waxay tahay kaalinta ama awooda ay ku leeyihiin mashruuca guusha gaaray.

Sidoo kalena atirishada sicirkeeda inuu sare u kaco waxaa ka caawin karo filim ay kaligeed hogaamiye ka tahay haddii uu guul weyn gaaro markaas dalabkeeda wuxuu noqonaa mid aad u sareeyo.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka atirisho ee lacagaha ugu badan Bollywood-ka waqti xaadirkaan aflaanta ku sameeyaan sidoo kalena xogtaan waxaa lagu saleeyay lacagaha aflaanta tiyaatarka laga daawado laga kasbado iyo kuwa sida Online-ka ah ama Digital-ka ah loo daawado:

10. Alia Bhatt halkii filim waxay ku sameysaa 7.5 Crore ($988k) sicirkeeda sare ayuu u kici lahaa haddii saxiixa aflaanteeda badin laheyd.

9. Anushka Sharma halkii filim waxay ku sameysaa 8 Crore ($1.05m) sicirkeeda hoos ayuu u dhacay madaama dhawaanahan wax filim aysan saxiixanin.

8. Shraddha Kapoor halkii filim waxay ku sameysaa 9 Crore ($1.18m) waa lacagaha ay ku sameesay filimada Chhichore, Saaho iyo Street Dancer 3D sicirkooda.

7. Vidya Balan halkii filim waxay ku sameysaa 9.50 Crore ($1.25m) waxayna ku kasbaa lacagahan filimada ay kaligeed hogaamiye ka tahay inta badan inay guuleestaan.

6. Sonam Kapoor halkii filim waxay ku sameysaa 10.50 Crore ($1.38m) filimkeedii ugu dambeeyay The Zoya Factor ayay lacago waali ah ku qaadatay hogaamintiisa.

5. Katrina Kaif halkii filim waxay ku sameysaa 11 Crore ($1.45m) xidigtan sameynta filimka Sooryavanshi ayay 11 Crore ku qaadatay waana lacagihii ugu sareeyay ebid filim sameyntiisa ku dalbato.

4. Kareena Kapoor Khan halkii filim waxay ku sameysaa 11.50 Crore ($1.52m) waxayna lacagahan ku kasbatay sameynta filimadeedii ugu dambeeyeen Good Newwz iyo Angrezi Medium.

3. Priyanka Chopra halkii filim waxay ku sameysaa 13 Crore ($1.71m) sanadkii hore ayay Bollywood-ka kusoo laabatay waxayna lacagtan adag ku qaadatay sameynta filimka The Sky Is Pink sidoo kalena sicirkeeda waa mid aad u sareeyo madaama ay Hollywood-ka iyo shirkado kal caalami ah la shaqeyso.

2. Deepika Padukone halkii filim waxay ku sameysaa 14 Crore ($1.84m) filimka 83 sameyntiisa ayay lacagtan adag ku qaadatay ka badana wey dalban kartaa inkastoo dhankaas iyo Hollywood-ka dhawaanahan ku mashquushay.

1. Kangana Ranaut halkii filim waxay ku sameysaa 15 Crore ($1.98m) waa atirishada lacagaha ugu badan filimada ku sameyso waxayna lacagahan ku saxiixatay sameynta filimada Thalaivi iyo Dhakaad oo sanadkan gudihiisa la daawan doono haddii ay suurta gasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here