Waxaan horey idin kula wadaagnay atoorayaasha Bollywood-ka iyo Telugu (Tollywood) lacagaha ugu badan filimada ku sameeyaan markaana waxaan soo qaadaneynaa 10-ka atoore ee Tamil ama Kollywood lacagaha ugu badan filimada ku sameeyaan xogtaana waa midii ugu dambeesay sanadkan 2020 ku xeen daaban.

Tamil ama Kollywood waa fan saameyn badan leh sidoo kalena xaruntooda tahay magaalada Chennai waxayna heestaan atoorayaal caan ah oo awood badan kuwaas oo dalban karaan lacagtii ay doonaan madaama shacbiyad balaaran ku leeyihiin Koonfur Hindiya, guud ahaan Hindiya oo idil iyo daafaha caalamka. Fadlan hoos kaga bogo 10-ka atoore ee Tamil ama Kollywood lacagaha ugu badan filimada ku sameeyaan:

1. Vijay halkii filim wuxuu ku sameeyaa 100 Crore – $13.24m

2. Rajinikanth halkii filim wuxuu ku sameeyaa 75 Crore $9.93m

3. Ajith Kumar halkii filim wuxuu ku sameeyaa 50 Crore $6.61m

4. Suriya – halkii filim wuxuu ku sameeyaa 25 Crore – $3.30m

5. Dhanush – halkii filim wuxuu ku sameeyaa 14 Crore – $1.85m

6. Vikram halkii filim wuxuu ku sameeyaa 10 Crore – $1.32m

7. Karthi – halkii filim wuxuu ku sameeyaa 8 crore $1.05m

8. Sivakarthikeyan halkii filim wuxuu ku sameeyaa 8 Crore $1.05m

9. Vijay Sethupathi halkii filim wuxuu ku sameeyaa 8 crore $1.05m

10. Jayam Ravi – halkii filimk wuxuu ku sameeyaa 8 Crore – $1.05m

11. Vishal & Simbu – halkii filim waxay ku sameeyaan 5 Crore – $662k

12.Arun Vijay, Arya, Jiiva, Sidharth & GV Prakash halkii filim waxay ku sameeyaan 2 Crore $264k.

F.G: Superstar Kamal Haasan liiskan waxaa loogu soo darin in mudooyinkan filim uu hogaamiye ka yahay uusan sameynin dhanka siyaasada ayuu u batay balse sida caadiga ah wuxuu dalban jiray 30 Crore halkii filim inuu ku sameeyo marka uu shaqada filim jilista usoo jeeday. Haatana wuu soo laabtay asigoo duubis ku wado filimkiisa weyn Indian 2 ee uu soo saare ka yahay marka mashruucaas lacago toos ah kuma qaadanin ee faa’iidada ayuu wax ka qaadan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here