Waxaan horey idin kula wadaagnay 20-ka filim ee Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa intii u dhaxeesay 1980 ilaa 1989 waxaana kaalinta kowaad ka galay filimkii Maine Pyaar Kiya ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Haatan waxaan diirada saareynaa 10-kii sano fanka Hindiya ugu saameynta badnaa dhanka heesaha hirgaleen waana intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999 weliba xiligaan Kumar Sanu iyo Udit Narayan ayaa Bollywood-ka dhanka heesaha maqaam sare gaarsiiyeen sidoo kalena heesaha ay mudadaas qaadeen waa kuwa ugu caansan looguna jecel yahay taariikhda fanka.

Sidaa darteed sanad walbo ayaan dhex gali doonaa iyo filimada Album-kooda dhanka heesaha loogu iibsasho badnaa markaana aan isla ogaano sanadii 1990 iyo filimada Album-ka heesahooda loogu iibsasho badnaa iyo filim walbo Album-kiisa tirada Copy-ga ah ee laga sameeyay:

1. Aashiqui 15-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay album-kiisa heesaha (Taariikhda waa Album-ka loogu iibsasho badan yahay fanka Hindiya!)

2. Sanam Bewafa 3-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

3. Patthar Ke Phool 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

4. Dil 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

5. Aaj Ka Arjun 1-milyan iyo 800,000 Copy ayaa laga sameeyay Albumkiisa heesaha.

6. Baaghi 1-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

7. Hum 1-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

8. Kishen Kanhaiya 1-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

9. Ghayal 1-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

10. Swarg 1-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

F.G: Filimada Sanam Bewafa, Patthar Ke Phool iyo Hum waxaa la daawaday ama tiyaatarka la saaray sanadii 1991 balse Album-kooda heesaha waxaa la suuq geeyay lana soo bandhigay sanadii 1990 sidaas ayaa xisaabta loogu daray aflaanta Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa sanadii 1990.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here