Waa kuwee 10-ka filim ee Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa sanadi 1991.

0
883

Waxaan horey idin kula wadaagnay 20-ka filim ee Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa intii u dhaxeesay 1980 ilaa 1989 waxaana kaalinta kowaad ka galay filimkii Maine Pyaar Kiya ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Haatan waxaan diirada saareynaa 10-kii sano fanka Hindiya ugu saameynta badnaa dhanka heesaha hirgaleen waana intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999 weliba xiligaan Kumar Sanu iyo Udit Narayan ayaa Bollywood-ka dhanka heesaha maqaam sare gaarsiiyeen sidoo kalena heesaha ay mudadaas qaadeen waa kuwa ugu caansan looguna jecel yahay taariikhda fanka.

Sidaa darteed sanad walbo ayaan dhex gali doonaa iyo filimada Album-kooda dhanka heesaha loogu iibsasho badnaa markaana aan isla ogaano sanadii 1991 iyo filimada Album-ka heesahooda loogu iibsasho badnaa iyo filim walbo Album-kiisa tirada Copy-ga ah ee laga sameeyay:

1. Saajan 7-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay album-kiisa heesaha

2. Phool Aur Kaante 6-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

3. Sadak 5-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

4. Saudagar 3-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

5. Dil Hai Ke Manta Nahin 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Albumkiisa heesaha.

6. Henna 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

7. Shola Aur Shabnam 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

8. Vishwatma 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

9. 100 Days 1-milyan iyo 800,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

10. Narsimha 1-milyan iyo 800,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

Film Fare Awards Guuleestayaasha Dhanka Album-ka & Heesaha 1991 Hoos Kaga Bogo:

Album-ka ugu wanaagsan – Saajan

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka ragga – Kumar Sanu Saajan (Mere Dil Bhai)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka hablaha – Anuradha Paudwal Dil Hai Ke Manta Nahin (Dil Hai Ke)

Laxamiistaha ugu wanaagsan – Gulzar Lekin (Yaara Seeli Seeli)

La Soco 1992 iyo 10-ka filim Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here