Waxaan horey idin kula wadaagnay 20-ka filim ee Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa intii u dhaxeesay 1980 ilaa 1989 waxaana kaalinta kowaad ka galay filimkii Maine Pyaar Kiya ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Haatan waxaan diirada saareynaa 10-kii sano fanka Hindiya ugu saameynta badnaa dhanka heesaha hirgaleen waana intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999 weliba xiligaan Kumar Sanu iyo Udit Narayan ayaa Bollywood-ka dhanka heesaha maqaam sare gaarsiiyeen sidoo kalena heesaha ay mudadaas qaadeen waa kuwa ugu caansan looguna jecel yahay taariikhda fanka.

Sidaa darteed sanad walbo ayaan dhex gali doonaa iyo filimada Album-kooda dhanka heesaha loogu iibsasho badnaa markaana aan isla ogaano sanadii 1992 iyo filimada Album-ka heesahooda loogu iibsasho badnaa iyo filim walbo Album-kiisa tirada Copy-ga ah ee laga sameeyay:

1. Deewana 4-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay album-kiisa heesaha

2. Beta 3-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

3. Jo Jeeta Wohi Sikander 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

4. Khiladi 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

5. Bol Radha Bol 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Albumkiisa heesaha.

6. Jeena Marna Tere Sang 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

7. Jigar 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

8. Sapne Saajan Ke 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

9. Khuda Gawah 1-milyan iyo 800,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

10. Prem Deewane 1-milyan iyo 800,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

Film Fare Awards Guuleestayaasha Dhanka Album-ka & Heesaha 1992 Hoos Kaga Bogo:

Album-ka ugu wanaagsan – Deewana (Nadeem-Shravan)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka ragga – Kumar Sanu Deewana (Sochenge Tumhain)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka hablaha – Anuradha Paudwal Beta (Dhak Dhak)

Laxamiistaha ugu wanaagsan – Sameer Deewana (Teri Umeed)

La Soco 1993 iyo 10-ka filim Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here