Waxaan horey idin kula wadaagnay 20-ka filim ee Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa intii u dhaxeesay 1980 ilaa 1989 waxaana kaalinta kowaad ka galay filimkii Maine Pyaar Kiya ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Haatan waxaan diirada saareynaa 10-kii sano fanka Hindiya ugu saameynta badnaa dhanka heesaha hirgaleen waana intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999 weliba xiligaan Kumar Sanu iyo Udit Narayan ayaa Bollywood-ka dhanka heesaha maqaam sare gaarsiiyeen sidoo kalena heesaha ay mudadaas qaadeen waa kuwa ugu caansan looguna jecel yahay taariikhda fanka.

Sidaa darteed sanad walbo ayaan dhex gali doonaa iyo filimada Album-kooda dhanka heesaha loogu iibsasho badnaa markaana aan isla ogaano sanadii 1993 iyo filimada Album-ka heesahooda loogu iibsasho badnaa iyo filim walbo Album-kiisa tirada Copy-ga ah ee laga sameeyay:

1. Dilwale 5-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay album-kiisa heesaha

2. Darr 3-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

3. Khalnayak 3-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

4. Aankhen 3-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

5. Baazigar 3-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Albumkiisa heesaha.

6. Phir Teri Kahani Yaad Aayi 2-milyan iyo 800,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

7. Roja 2-milyan iyo 800,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

8. Hum Hain Rahi Pyar Ke 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

9. Lootere 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

10. Salaami 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

F.G: Filimka Dilwale waxaa tiyaatarada la saaray horaantii 1994 balse Album-kiisa heesaha sanadii 1993 ayaa la suuq geeyay waana sababta keentay inuu 93 noqdo Album-ka loogu iibasho badnaa inkastoo 94 masraxa la saaray.

Film Fare Awards Guuleestayaasha Dhanka Album-ka & Heesaha 1993 Hoos Kaga Bogo:

Album-ka ugu wanaagsan – Baazigar (Anu Malik)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka ragga – Kumar Sanu Baazigar (Yeh Kaali Kaali Aankhen)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka hablaha – Alka Yagnik iyo Ila Khalnayak (Arun Choli Ke Peeche )

Laxamiistaha ugu wanaagsan – Sameer Hum Hain Rahi Pyar Ke (Ghunghat Ki Aad Se)

La Soco 1994 iyo 10-ka filim Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here