Waxaan horey idin kula wadaagnay 20-ka filim ee Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa intii u dhaxeesay 1980 ilaa 1989 waxaana kaalinta kowaad ka galay filimkii Maine Pyaar Kiya ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Haatan waxaan diirada saareynaa 10-kii sano fanka Hindiya ugu saameynta badnaa dhanka heesaha hirgaleen waana intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999 weliba xiligaan Kumar Sanu iyo Udit Narayan ayaa Bollywood-ka dhanka heesaha maqaam sare gaarsiiyeen sidoo kalena heesaha ay mudadaas qaadeen waa kuwa ugu caansan looguna jecel yahay taariikhda fanka.

Sidaa darteed sanad walbo ayaan dhex gali doonaa iyo filimada Album-kooda dhanka heesaha loogu iibsasho badnaa markaana aan isla ogaano sanadii 1996 iyo filimada Album-ka heesahooda loogu iibsasho badnaa iyo filim walbo Album-kiisa tirada Copy-ga ah ee laga sameeyay:

1. Raja Hindustani 11-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay album-kiisa heesaha

2. Papa Kehte Hain 3-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

3. Agni Sakshi 2-milyan iyo 800,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

4. Jeet 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

5. Saajan Chale Sasural 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Albumkiisa heesaha.

6. Auzaar 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

7. Krishna 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

8. Masoom 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

9. Tere Mere Sapne 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

10. Jadaai & Khiladiyon Ka Khiladi min 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kooda heesaha.

Film Fare Awards Guuleestayaasha Dhanka Album-ka & Heesaha 1996 Hoos Kaga Bogo:

Album-ka ugu wanaagsan – Raja Hindustani (Nadeem-Shravan)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka ragga – Udit Narayan Raja Hindustani (Pardesi Pardesi)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka hablaha – Kavita Krishnamurthy Khamoshi (Aaj Main Upar)

Laxamiistaha ugu wanaagsan – Javed Akhtar Papa Kehte Hai (Ghar Se Nikalte Hi)

La Soco 1997 iyo 10-ka filim Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here