Waxaan horey idin kula wadaagnay 20-ka filim ee Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa intii u dhaxeesay 1980 ilaa 1989 waxaana kaalinta kowaad ka galay filimkii Maine Pyaar Kiya ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Haatan waxaan diirada saareynaa 10-kii sano fanka Hindiya ugu saameynta badnaa dhanka heesaha hirgaleen waana intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999 weliba xiligaan Kumar Sanu iyo Udit Narayan ayaa Bollywood-ka dhanka heesaha maqaam sare gaarsiiyeen sidoo kalena heesaha ay mudadaas qaadeen waa kuwa ugu caansan looguna jecel yahay taariikhda fanka.

Sidaa darteed sanad walbo ayaan dhex gali doonaa iyo filimada Album-kooda dhanka heesaha loogu iibsasho badnaa markaana aan isla ogaano sanadii 1997 iyo filimada Album-ka heesahooda loogu iibsasho badnaa iyo filim walbo Album-kiisa tirada Copy-ga ah ee laga sameeyay:

1. Dil To Pagal Hai 12-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay album-kiisa heesaha

2. Pardes 6-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

3. Gupt 5-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

4. Border 4-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

5. Pyaar Kiya To Darna Kya 3-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Albumkiisa heesaha.

6. Ishq 3-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

7. Yes Boss 3-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

8. Aflatoon 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

9. Sapnay 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

10. Ziddi 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kooda heesaha.

F.G: Filimka Pyaar Kiya To Darna Kya waxaa la daawaday sanadii 1998 balse Album-ka heesihiisa sanadii 1997 ayaa la suuq geeyay.

Film Fare Awards Guuleestayaasha Dhanka Album-ka & Heesaha 1997 Hoos Kaga Bogo:

Album-ka ugu wanaagsan – Dil To Pagal Hai (Uttam Singh)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka ragga – Abhijeet Yes Boss (Main Koi Aisa Geet Gaun)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka hablaha – Alka Yagnik Pardes (Meri Mehbooba)

Laxamiistaha ugu wanaagsan – Javed Akhtar Border (Sandese Aate Hai)

La Soco 1998 iyo 10-ka filim Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here