Waxaan horey idin kula wadaagnay 20-ka filim ee Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa intii u dhaxeesay 1980 ilaa 1989 waxaana kaalinta kowaad ka galay filimkii Maine Pyaar Kiya ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Haatan waxaan diirada saareynaa 10-kii sano fanka Hindiya ugu saameynta badnaa dhanka heesaha hirgaleen waana intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999 weliba xiligaan Kumar Sanu iyo Udit Narayan ayaa Bollywood-ka dhanka heesaha maqaam sare gaarsiiyeen sidoo kalena heesaha ay mudadaas qaadeen waa kuwa ugu caansan looguna jecel yahay taariikhda fanka.

Sidaa darteed sanad walbo ayaan dhex gali doonaa iyo filimada Album-kooda dhanka heesaha loogu iibsasho badnaa markaana aan isla ogaano sanadii 1998 iyo filimada Album-ka heesahooda loogu iibsasho badnaa iyo filim walbo Album-kiisa tirada Copy-ga ah ee laga sameeyay:

1. Kuch Kuch Hota Hai 8-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay album-kiisa heesaha

2. Dil Se 4-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

3. Soldier 3-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

4. Pyaar To Hona Hi Tha 3-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

5. Ghulam 2-milyan iyo 500,000 Copy ayaa laga sameeyay Albumkiisa heesaha.

6. Daag The Fire 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

7. Hum Aapke Dil Mein Rehte Hain 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

8. Major Saab 2-milyan iyo 200,000 Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

9. Jab Pyar Kisise Hota Hai 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kiisa heesaha.

10. Dulhe Raja 2-milyan oo Copy ayaa laga sameeyay Album-kooda heesaha.

F.G: Filimada Hum Aapke Dil Mein Rehte Hain iyo Daag waxaa la daawaday sanadii 1999 balse Album-ka heesihiisa sanadii 1998 ayaa la suuq geeyay.

Film Fare Awards Guuleestayaasha Dhanka Album-ka & Heesaha 1998 Hoos Kaga Bogo:

Album-ka ugu wanaagsan – Dil Se (A. R. Rahman)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka ragga – Sukhwinder Singh Dil Se (Chaiyya Chaiyya)

Heesaaga ugu wanaagsan dhanka hablaha – Jaspinder Narula Pyaar To Hona Hi Tha (Pyaar To Hona Hi Tha)

Laxamiistaha ugu wanaagsan – Gulzar Dil Se (Chaiyya Chaiyya)

La Soco 1999 iyo 10-ka filim Album-kooda heesaha loogu iibsasho badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here