Home » Box Office » Waa kuwee 10-ka filim ee lacagaha ugu badan Delhi/UP kasoo xareeyeen ayadoo Sanju 4-aad ka galaayo liiskan

Waa kuwee 10-ka filim ee lacagaha ugu badan Delhi/UP kasoo xareeyeen ayadoo Sanju 4-aad ka galaayo liiskan

Ranbir Kapoor filimkiisa Sanju ayaa gabo gabo ku dhow ganacsiga uu ka sameenayo Waqooyiga Hindiya gaar ahaan Delhi/UP wuxuuna ka noqday halkaas filimka 4-aad ee lacagaha ugu badan kasoo xareeyo.

Waana boos ka wanaagsan halka uu Mumbai kaga dhameestay oo ah inuu kaalinta 6-aad ka galay filimada lacagaha ugu badan Mumbai kasoo xareeyeen.

Waa arin lala yaabay in Director Rajkumar Hirani filimkiisa Waqooyiga ganacsi ahaan ku xooganaado asigoo waligiis Mumbai ku awood badnaan jiray balse farqiga markaan waa Ranbir Kapoor oo awood balaaran iyo shacbiyad xoogan ku leh Waqooyiga Hindiya.

Sanju booska 4-aad ayuu Delhi/UP ganacsi ahaan kaga dhameesan doonaa ayadoo ku adkaan doonto inuu soo qabto filimka Tiger Zinda Hai oo booska 3-aad ku jiro.

Ma jiro filim 100 Crore kasoo xareeyay Delhi/UP waxaana ku dhawaaday Baahubali 2 oo 98 Crore halkaas kasoo xareeyay waxaana la sugan doonaa mustaqbalka filim 100 Crore Waqooyiga ka keeni karo.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan kasoo xareeyeen suuqa labaad ee Hindiya ugu muhiimsan dhanka aflaanta Delhi/UP:

1. Bahubali: The Conclusion – 98.64 Crore

 

 

2. Dangal – 80.22 Crore

 

 

3. Tiger Zinda Hai – 74.73 Crore

 

 

4. Sanju – 73.16 Crore  (35-maalmood ah)

 

 

5. Bajrangi Bhaijaan – 70.60 Crore

 

 

6. Padmaavat – 68.22 Crore

 

 

7.PK – 66.22 Crore

 

 

8. Sultan – 60.62 Crore

 

 

9. Dhoom 3 – 51.56 Crore

 

 

10. Tanu Weds Manu Returns – 44.15 Crore

2 Responses to Waa kuwee 10-ka filim ee lacagaha ugu badan Delhi/UP kasoo xareeyeen ayadoo Sanju 4-aad ka galaayo liiskan

  1. Ayaan muuse

    August 8, 2018 at 6:11 pm

    waad ku mahadsantahay Zakarie Abdi sidaa marwalba natiijada filimaanta noola socodsiisid thanks wll

    • Zakarie Abdi

      August 8, 2018 at 6:48 pm

      Adiga mudan walaal